HUBAALMEDIA.COM
“Komishanka Doorashooyinku Way Ka War-hayaan Khatar Siyaasaddeed Oo Ku Lifaaqan Xogta Diiwaangelintan”
March 31, 2017 - Written by Mustafe Faro

“Guddida Doorashooyinka Qaranku Way Ka War-hayaan Xaasaasinnimada Ku Lifaaqan Xogta Oo U Baahan Dhawr-sanaan Iyo Taxadir, Caqabada Ugu Weyn Ee Soo Socotaana Waa…” – Warbixin Ay Goob-joogeyaashii Diiwaangelintu Kaga Hadleen Natiijada Kumeel-gaadhka Ah Ee Komishanku Soo Saaray

komiishanka doorashooyinka qaranka

Hargeysa (Hubaal) Goob-joogayaashii Caalamiga ahaa ee la socday habsami u socodkii Diiwaangalinti Cod-bixiyayaasha ee ka qabsoontay omaliland 2016-kii, imikana Komishanka Doorashooyinku Natiijadeeda shaaciyeen ayaa Komishanka Doorashooyinka ku Hambalyeeyey qaabkii ay u agaasimeen. Goob-joogayaasha Caalamiga ahi sidoo kale, waxay Warbixintooda la xidhiidha Diiwaangalinta Doorashooyinka oo ay shalay ku soo bandhigeen dhaliilo ay ku sheegeen kuwo siyaasadeed waxaa ay kaga digeen cidhib xumada laga dhaxli karo haddii aan xal loo raadin.   Waxa kale oo ay Goob-joogayaasha Caalamiga ahi mar kale ku celiyeen dhaliilihii hore loogu soo jeediyey wacyigalinta Diiwaangalinta oo ay sheegeen inay ahayd mid aad u hoosaysay, isla markaana ay yarayd wacyiga ay dadku ka haysteen Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha iyo tii Muwaadiniinta oo isa saarnaa. Warbixinta Goob-joogayaasha Caalamiga ahi waxay u dhignayd sidan:- “Guud ahaan shaqada Diiwaangalinta cod-bixiyayaasha ee ay qabteen GDQ waxay ku dhamaatay guul iyo nabad, waxaana loo soo agaasimay si habaysan oo tayo leh. Shaqada ay qabteen GDQ shaqaalaheedu waxay ku suntantay oo lagu gartaa niyadsami iyo diiwaangalin hab xirfadaysan oo madax banana loo dhamaystiray. Si kasta ha ahatee wali caqabado ayaa jira. Ma cadda sida diiwaanglainta kama danbaysta ah loo soo bandhigi lahaa, iyo sida ay usii wadi lahayd ku shaqaynta joogtada ah ee diiwaangalinta codbixiyayaasha.   Caqabada ugu wayn ee soo socotaa ma aha uun sii wadi-taanka shaqadan ee farsamo, balse waxa iyana muuqata khatar siyaasadeed. Hadaba GDQ way ka war haysaa xaasaasinimada ku lifaaqan xogta Diiwaangalita codbixiyayaasha ee u baahan taxadirka iyo dhawrsanaanta, gaar ahaan marka loo daadago heer degmo. Waxa aanu qabnaa, caqabada ugu waynee soo fool leh waxay la xidhiidhaa bandhigaas xogta. Geeddi socodka waa in loo maareeyaa si taxadir badan ku dheehan yahay. Waa se in loo bandhigaa diiwaangalinta codbixiyayaasha heer degmo si wadahadalka doorashooyinku-sida goobaha codbixinta iyo qoondaynta kuraasta baarlamaanku- u dhici karto hab qoonadaysan”. Ayaa ay goob-joogeyaashu warbixintooda ku yidhaahdeen.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews