Kooxaha African Airways Iyo Tima-Cadde Oo U Baxay Rubuc-dhamaadka Ee Tartanka (SO! Soo Gasho Tournament Ramadan Group) Ee Ka Socda Garoonka Badhtamaha

0
1

Hargeysa (Hubaal) Waxa shalay tartanka ay maalgalisay (SO! Soo Gasho Tournament Ramadan Group) Ee bisha Ramadaan ka socda gegida kubadda cagta ee Badhtamaha, la ciyaaray lugtii saddexaad ee heerka group-yada. Waxa ciyaar xiiso leh ay dhex martay kooxaha African Airways iyo Caynaanshe Team oo kuwada jira group-ka A. ciyaartan oo ay ahayd lugtii saddexaad ee isaraga group A ayaa waxa waxa badiyay kooxda ku ciyaaraysay magaca Caynaanshe Team.

Isla group-ka A waxa iyana shalay wada ciyaaray labada kooxood ee Tima-cadde iyo Boorama Players, waxaana guushu raacday oo badiyay kooxda Tima-cadde.

Kala saraynta group-ka A

 

African Airways    6 dhibcood

Tima-cadde         4 Dhibcood

Caynaanshe       4 Dhibcood

Boorama Players 3 Dhibcood

 

Waxa Group-kan A kasoo wada baxay Kooxaha

 

African Airways oo kaalinta koowaad ku baxay, Tima-cadde oo kadib goolal Tirsi kaalinta labaad ku baxay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here