“Kormeerkaygani Waxa Uu Ka Mid Ahaa Hawl Maalmeedka Shaqo Ee Masuuliyadda Gobolka La Iigu Igmaday”

0
5

Gudoomiyaha Gobolka Sool Oo ka xog-waramay Kormeer uu Ku Tegey Cusbitaalka Guud Magaalada Laascaanood

Laascaanood (Hubaal) Guddoomiyaha Gobolka Sool Abdiqani Mohamoud Jiidhe, ayaa saaka  kormeer hawleed ku soo maray cusbitaalka guud ee Magaalada Lascanood, Isaga oo ujeedada kormeerkiisu ahaa si uu wax uga ogaado habsami u socodkiisa shaqo iyo adeegyadiisu sida ay u socdaan, bukaanjiifka ku jira iyo daryeelkooda , iyo ugu danbayn baahiyaha ka jira cusbitaalka iyo sidii wax sidii wax looga qaban lahaa.  Gudoomiyaha oo khadka telefoonka ugu warramay Wargeyska DAWAN ayaa waxa uu u mahadceliyey dhammaanba bahda caafimaadka iyo masuuliyiinteeda heer wasaaradeed ee gobolka waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ” Waxa uu ka mid ahaa hawl maalmeedka shaqo ee aan dawlada dhexe masuuliyadeeda Gobolka Sool ay iigu igmatey kormeerka aan ku subaxnimadii saaka ku tegey xarunta cusbitaalka guud ee Magaalada Laascaanood, waxaanu ahaa mid aan wax kaga ogaanayney sida ay u socoto guud ahaanba shaqada cusbataalku, sidoo kale inaan wax ka ogaano daryeelka guud ee bukaan jiifka iyo kuwa la socdaba xanuunada, iyo baahiyaha ka jira ee u baahn in la wax laga qabto, intaa waxa noo raacday inaan dardargelin iyo dhiirigelin shaqaalaha bahda caafimaadka la soo wadaagno, sidaa awgeed waxaan halkan si aan qiyaas lahayn ugu mahadcelinayaa dhamaanba bahda caafimaadka heer gobol iyo heer degmoba oo gaadhsiisan ilaa masuuliyiintooda ilaa shaqaale hoosaadka, iyadoo aan ka kulmay soo dhaweyn, iyo dhamaanba qayb kasta oo ka mid ah cusbitaalka oo la i geeyey si aan indhahayga ugu soo arko, runtii waxay ahayd si mahadcelin mudan oo aan la wadaagayo maanta waajibaadka ay bulshada u hayaan iyo sida ay kaalintooda oo ah ta ugu daran marka laga eegayo baahiyaha shacabka mar labaad iyo mar sadexaadba halkan ayaan uga mahadcelinta ay mudan yihiin ka qirayaa, waxaana leeyahay waajibka culus ee aad bulshada u haysaan iyo sida aad u daboosheen indhahayaga ayaa nooga markhaati furaya”

Ugu danbayn gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe waxa uu sheegay in baahiyaha dhankooda oo aan masuuliyiinta cusbataalka guud la soo wadaagnay isla markaana hawlshaqeedka ka dhimani uu ahaa laydhka isagana waxaanu isla qaadanay anaga iyo madaxda heer gobol iyo her degmo ee caafimaadku in sida ugu dhakhsaha badan loo geliyo cubitaalka guud laydhka noociisa sollerka ah, kaas oo wax badan uga fiican dhanka shaqada iyo qalabka loogu adeegayo bulshadaba” ayuu yidhi gudoomiyaha gobolka sool. .

SHARE
Article horeGuddida Cusub Ee Doorashada Oo La Kulmay Golaha Wakiillada
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here