Ku Meeraysta Muuse !!!

0
6

Qalinkii: Mukhtar Cilmi

Waxaa la yidhi nin ka mid ah col duulaya ayaa abaanduulihii ciidanka weydiiyay meesha loo socdo. Abaanduulihii intuu yaabay ayuu ugu jawaabay, “Meesha loo socdo nin raggi waa ogyahay doqonna loo sheegimaayo.”!!. Maanta ninka siyaasadda isticmaalay ee meel walba guuli uga soo hoyatay waa madaxweyne muuse biixi. Mucaaridkiina ay qaylo iyo jaahwareer xaalkoodii noqday, waxaana caddaatay in ay askarigii noqday siyaasigii kursigan ku wacnaa, qoladana ahayaeen filin kartoon khiyaali ku jira, dhabna ka aheyn hanashada kursiga Somaliland. Maanta meel ay ka soo noqon karaan mucaaridku majirto odayaashan dhexdhexaadinta wadana sharciga kama sareeyaan.

1. Riyoraac baarlamaan ayaa u codeeyay xubnahana dhexdooda ayay cod aqlabiyad ah ugu codeyeen gudoomiyenimadiisa waana sharci.

2. Guurtida iyo baarlmaankuba muddo kordhintooda sharciga ayay waafaqsan tahay taasna marar hore dhici jirtay waana sharci.

3. Deeq bixiyaasha wax ay samayen karaan baa iska yar mana soo dhex gali karaan qawaaniinta u taal dalka, sidaas darteed cirro iyo faysal uma hayaan arin ku saabsan qayladooda.

Runta haddaanu isku sheegno, cirro iyo faysal ba iyagaa waxan wada si ay taageerayaashooda iskaga dhaadhiciyaan in ay weli talo dalka ay ku leeyihiin iyo miisaan laakiin berri ayaad arki doontaan kuwa weli wax ka sugaya cirro iyo faysal in guddida dhexdhexaadiinta iyo beesha caalaanku odhan doonaan wax idiin ma hayno !!!. Runtiina iyaga aya halkaas is dhigay.!!

SHARE
Article horeWADDANI Oo Ka Digay Calaf Uu Sheegay In Lagu Dabar-goynayo Xoolaha Somaliland Oo ay Hay’ad Ajaanib Ahi Dalka Keentay
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here