Kulan Albaabadu U Xidhnaayeen Oo Madaxweyne Muuse Biixi La Qaatay Guddida Doorashooyinka Qaranka

0
26

Hargaysa (Hubaal):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay xafiiskiisa kulan kula yeeshay xubnaha guddida doorashooyinka qaranka. Kulankan oo albaabadu uxidhnaayeen ayaa ilo xogogaal ahoo ku dhawaa ay wargeyska HUBAAL us heegeen in  madaxweynaha iyo xubnaha guddida doorashooyinka qaranka, kaga wada-hadleen  arrimo door ah oo la xidhiidha dardar-gelinta hawlaha doorashooyinka ee dalka kusoo foolka leh iyo sidii meesha looga saari lahaa caqabadaha dhinaca doorashada ah ee taagan. Xubnaha guddida doorashooyinka qaranka, ayaa madaxweynaha uga xog-warramay halka ay wax u marayaan, iyaga oo sidoo kale wadaagay xogo ku saabsan deeq-bixiyayaasha Somaliland ka taageera dhinaca doorashooyinka, waxaana xaqiijiyeen inay dhinacooda meel wanaagsan marinayaan dedaalka ay ugu jiraan inay farsamo ahaan dhammaystiraan oo diyaariyaan jawi lagu hirgelin karo doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka oo sanadka soo socda dalka kusoo fool leh. Ugu dambayntii xubnaha guddida doorashooyinka, ayaa madaxweynaha uga mahad celiyey dedaalka uu ugu jiro inaanay dib u dhicin doorashooyinka dalka ka qorshaysani iyo sida uu diyaarka ugu yahay inuu meesha ka saaro dhammaanba caqabadaha doorashooyinka hor taagan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here