Kulan La Isugu Yeedhay Dhammaan Ergooyinkii Ka Soo Qayb Galay Nabadaynta Deegaanka Ceel-Afweyn + Waxa Uu Daaran Yahay (SAWIRRO)

0
1

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Kulan Ballaadhan Isugu Yeedhay Dhamaan Ergooyinkii Ka Soo Qayb Galay Nabadaynta Deegaanka Ceel-afweyn.

Ceel-afwayn-(Hubaal) -Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wafdigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminaayay ayaa galabta kulan isugu yeedhay dhamaan ergooyinkii ka qayb gelayay nabadaynta deegaanka Ceel-afweyn, shirkaas oo ay kasoo qayb galeen salaadiinta ka kala socday dhamaan gobolada Somaliland, culimada caanka ah ee Somaliland iyo wafdiga madaxweyne ku-xigeenka oo ka koobnaa Wasiirka arrimaha guddaha,iyo wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo guddomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo hadal kooban halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in ujeedada kulankani yahay sidii loo qaabayn lahaa wada xaajoodka lala gali doono labada dhinac ee dirirtu dhex martay, waxaanu Madaxweyne ku-xigeenku sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay in mudo kooban lagu soo af-jaro xaaladda ka taagan deegaamadaasi.

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ku hadlay afka ergooyinka ayaa sheegay sida ay muhiimka u tahay hawsha ay wafdigani u socoto, islamarkaana waxa uu aad ugu dheeraaday dadaalo xoogan oo ay sameeyeen mudadii ay joogeen Ceel-afweyn isagoo niyad wanaagsan ka muujiyay xaaladda Ceel-afweyn oo uu sheegay in ay meel wanaagsan wax u marayaan ilia hadda oo ay ku sugan yihiin halkaasi.

SHARE
Article horeEng. Feysal Cali Waraabe Oo Ceel-afweyn U Tegay Si Uu Uga Qaybqaato Dadaallada Lagu Daminayo Colaadda Labada Beelood
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here