HUBAALMEDIA.COM
KULMIYE Oo Diidmada WADDANI Ee Mus-dambeedka Komishanka Ku Tilmaamay Xeelad Muddo-kordhin Dambe Loogu Gabbanayo
April 2, 2017 - Written by Mustafe Faro

Hargeysa:(Hubaal)-Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa dhiggiisa mucaaridka ah ee WADDANI ku eedeeyey inuu u gogol xaadhayo dib-u-dhac kale oo ku yimaadda doorashada madaxtooyada ee dhammaadka sanadkan 2017-ka qorshaysan, waxana uu su’aal geliyey diidmada xisbigaasi ka muujiyey guddida dus-dambeedka ah ee uu madaxweynuhu ku talo jiro magacaabisteeda.

jaamac shabeel

Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cige(shaamac-shabeel)oo shalay arrintan ka hadlay, ayaa xisbiga WADDANI uga digay inay doorashada dib u dhigaan, isaga oo shaaciyey inaanay diidmadoodu taas waxba ka tari doonin, waxana uu yidhi, “Waxan malmahan arkayey xisbiga WADDANI oo qaylinaya oo leh guddida mus-dambeedka ah ee madaxweynuhu magacaabay ma oggolin, waxan is weydiiyey tolow maantana ma sabab kale oo ay doorashada dib ugu dhigaan bay doonayaan, laakiin doorashadu dib dambe dib ugu dhicimayso.”

Jaamac Shabeel oo hadalkiisa sii wata, ayaa sharraxay shaqada guddidaasi qaban doonto, waxana uu xusay inay tahay guddi loogu talo galay inay wax ka tarto sidii ay doorashadaasi waqtigeeda ugu qabsoomi lahayd,“Guddigaas madaxweynuhu soo jeediyey waa tii ilaalinaysay inaanay doorashadu dib u dhicin, waana dariiqii aynu u maranaynay doorashadii waxba haka boodina, taladeedana wax baad ku leedihiine,” ayuu yidhi Jaamac Shabeel.

Dhawaan ayey ahayd markii xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ay sida fiinta uga qayliyeen guddidii mus-dambeedka ahayd ee uu madaxweynuhu dhawaan sheegay inuu guddida doorashooyinka ku ladhi doono, taas oo xataa axsaabta mucaaridku qayb ka noqon doonaan, waxana diidmadaas loo arkaa mid oof-wareen ku noqon karta inay doorashadu waqtigeeda ku qabsoonto.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews