Kuusha iyo Adeegsigeeda

0
1

 

 

Milicsi Taariikheed, W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale, aiawaleh@gmail.com

 

Kuushu waxa ay ka mid tahay agabka ay dumarka Soomaaliyeed isku qurxiyaan. Waana dhaqan soo jireen ah oo la fili karo in uu la bilaabmay jiritaanka aadanaha. Kuusha ugu caansan ee weli ka sii hadhay dhaqankii hore ee Soomaalidu waxa ay tahay cunnaabi. Waxa yaalaaba laga soo dhoofin jiray carriga Hindiya. Dhallinyarada wiilasha ah ayaa iyaguna xarrago ahaan, qoorta ku xidhan jiray hal ama laba mid oo kuul ah, oo odhon jiray ‘Makaawi.’ Sidoo kale, magaca ‘Kuul’ oo ragga loo bixin jiray ayaa muujin u ah in raggu xidhan jireen kuusha – ama tusbax ahaan ha u qaataan, ama qurux ahaan ha u xidhaan e.

Waxa haddaba la is-weyddiin karaa, sida dharkii cudbiga ka samaysnaa ee ay ka mid ahaayeen Baftadii,[1] Maraykaanidii, Maxamuudidii iqk, ay suuqa uga saareen hugii saanta laga diyaarin jiray – ee uu ka mid ahaa Dhuugu, ma laga yaabaa in kuushaas dibedda laga soo dhoofsan jiray ay iyana meesha ka saartay kuulo hore, oo herodhalad ahaa, ragga iyo dumarka Soomaalidu xidhan jireen? Haddaba, sida uu qabo qoraagani, erey-celintu waa “HAA”.  Sida ka jirtay, ama ilaa maantaba looga adeegsado, dhulal kala duwan oo adduunka ka mid ah, waxa ay dumarka Soomaalidu kuusha ka samaysan jireen midhaha dhirta qaarkood ama qorigooda. Mararka kale, sida ka jirta meelo kale oo Afrika ah, waxa kuusha laga diyaarin jiray xabko iyo caleemo la isku budliyay, lana biyeeyay, kaddibna dab la saaray, ugu dambaynna marka ay isla qaboobaan loo qaabayn jiray kuul ahaan, markii xigayna dalool loo sameeyay si loo taxo.

Badhtamihii 2016kii, waxa gacantayda soo gashay kuul la ii sheegay in laga soo qoday meel aan ka fogayn Hargeysa. Kuushaasi waxa ay judhiiba iigu muuqatay in ay ahayd mid aan walaaya (dibed) laga keenin. Waxa ay keloo iila muuqatay in laga qoray dhagaxciideed. Kaddib, meel ayaa aan ku xereeyay si aan ugu kaydiyo. Haddaba waxa dhacday maalin dambe oo aan is-idhi la soo bax, in markii aan furay kiishkii ay ku jireen, aan arkay in qaarkood qoyeen, isla markaana ay kala furfurmeen, gudahoodana uu ka muuqday cagaar caleemeed! Show qolkii aan dhigay ayaa ku soo darroorimooday. Waxa aan is idhi, da’ahaan facweynaantooda ayaa laga yaabaa in ay la furfurmeen. Se markoodii hore ee ay dhulka ku aasnaayeen, weel dhoobo ah ayaa ay ku dhowrsoonaayeen.

Kuul aad u fac weyn oo xilliyo hore Soomaalidu adeegsan jirtay, kana samaysan caleen iyo xabko

Dhagxanta ayaa iyana laga samaysan jiray kuul, iyada oo loo xulanayo quruxda ay leeyihiin, sida ka muuqata kuwan ku muujisan muuqaalkan hoose, oo la ii sheegay in laga soo qoday meel u dhow magaalada Jinacsani, oo ka tirsan degaanka Jigjiga.

Kuul dhagaxaan kala midab duwan laga sameeyay oo laga helay magaalada Jinacsani, oo u dhow Jigjiga

Xograadin aan sameeyay oo ku saabsan kuulaha xerodhaladka ah ee bulshooyinka Afrikaanka, iyo meelo kale oo adduunka ahba laga adeegsado, waxa si xiisahayga soo jiitay dhaqan ka jira Afrikada Galbeed.

Dalalka Maali, Morotaaniya iyo Sinigaal, waxa jira kuulo ay dumarku diyaariyaan, kaddibna qurux ahaan u xidhaan. Waxa ay bulshooyinkooda dumarka ahi rumaysan yihiin in xidhashada kuulahaasi xoojiyaan dareenka raganimo ee raggooda. Kuushan oo la carfiyay, waxa laga sameeyaa cajiin laga diyaariyay midho kala duwan, oo uu ugu door-roon yahay midhaha geed la yidhaahdo Detarium microcarpum. Magaca ay kuushani ku suuq gashay waa “Myrrh Beads” ama “Kuusha Malmalka”. Ha yeeshee, kuushani wax xidhiidh ah lama laha Malmalka – maxaa yeelay, geedka dhiddinka ee laga gurto Malmalku kama baxo galbeedka Afrika.

Kuul rucub-rucub ah oo dumarka Galbeedka Afrika dhexda ku xidhaan.

Qaab ay dumarkaasi u diyaariyaan kuushaas, oo ay hooyo waliba inanteeda u sii gudbin jirtay, ammin aad u dheer, ayaa sidan ah:

Waxa ay dumarku midhaha la budliyay ee geedkaas kor ku xusan ku qasaan jaws, dhegayare, iyo ubaxyo. Kaddib, biyo kulul ayay ku daraan, dab aan xoog u shidnaynna waa ay saaraan, heer uu cajiinku noqdo mid is-jiidjiidanaya marka ay biyuhu yaraadaan. Cajiinkii oo aan qaboobin ayaa ay dumarka u qaabeeyaan kuulo yaryar, daloolna qodax ama irbad ugu sameeyaan. Kaddibna cadceedda ayay u dhigaan si ay u engegaan una adkaadaan. Kuulahaas, badiba, midabkoodu waa maarriin. Se, dalka Sinigaal oo kale, waa la midabeeyaa oo loo rogaa casaan, madow ama cagaar. Dalka Maali, tusaale ahaan, dumarka la qabo ayaa kuusha dhexdooda ku xidha; lafta misigta ayaana kor u qabata, iyaga oo laga dhigay dhowr dhudood, loona taxay qaab tusbaxyo dhaadheer oo kale (sida ku muujisan muuqaalkan hoose). Dumarka reer Sinigaal, mararka qaarkood waxa ay kuusha dhex muquuriyaan udug (cadar), waxana ay ku sii qurxiyaan kuulo quraarad ka samaysan. Marka ay haweenay dhexda ku xidhato, marada hoosteeda ayay mariyaan, kolkaas oo udugga kuushaas iyo dhididka jidhkeeda oo isku milmay ay xoojiyaan carfiga wax saaqaya – heer ku filan in ay raggooda soo dabaan! Haddaba in kasta oo aanay kuushaasi marada ka muuqan, carfigeeda wax saaqayaa, oo ay dumarkaasi ku lammaaneeyaan dhaqdhaqaaq gaar ah oo miskuhu sameeyaan, iyo jabaqda kuulaha isku dhacayaa, ayaa dhegaha, dhaayaha, iyo dareenka raggooda muusoond geliya. Adeegsiyada kale ee kuulahan waxa ka mid ah in dhexda lagu yareeyo ama lagu qaabeeyo, si la mid ah sidii gashaantimihii hore ee Soomaalidu dhexda xadhigga ugu xidhan jireen. Kuushaas ay dhexda ku xidhaan dumarka Galbeeka Afrika, waxa ay kaloo ay ahayd tilmaame habboon oo lagu garan karo in dhexdu weynaanayso iyo in kale. Mar Allaale marka ay kuushu giigsanto, waa xilligii ay inantu ka howl geli lahayd in ay cuntadeeda wax ka beddesho.

Si la mid ah, dhulalka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, midhaha dhegayaraha ayaa ay dumarka Carabtu dhaqan ahaan u door bidi jireen, tiiyoo ay rumaysnaayeen in ay ku lammaan tahay awoodo xoojiya dareenka ‘ragannimo’ ee raggooda. Caruusadaha ayaa xidhan jiray rucubo taxan oo dhegayare ah, lana carfiyay, oo loo qaabeeyay sidii kuul qoorxidh ah, laguna dhex tarraxay dhagaxaan midabbo leh, dhururi lacageed, alaalaxay, iyo kuulo quraarad ah – mararka qaarkoodna dhowr kuulood oo dahab ka samaysan. Sidoo kale, waxa ay rumaysnaayeen in kuusha jaadkan oo kale ahi ay baydhiso belaayada. Sidaas daraaddeed, hooyada ugubka ahi waxa ay xidhan jirtay qoorxidh ka samaysan dhegayare, ammin ku siman 40 dharaarood – ummulitaankeeda kaddib (inta ay ka afartanbaxayso).

Haddaba, waxa la is-weyddiin karaa bal in uu xidhiidh ka dhexayn karo kuushaas hore ee laga helay dhulkeenna (ee aan kor ku soo xusay), kana samaysan walaxo asalkoodu ka soo jeedaan dhir, iyo dhinaca kale dhaqankan weli ka sii jira Galbeedka Afrika – in kasta oo degaan-ahaan aad u kala durugsan yihiin. Waxa aan is-oggolaysiiyay anigu in sidaas wax ka jiraan. Qodob xoojin kara fiditaanka iyo is-weydaarsiga farsamooyin ee bulshooyinka kala duwan, waxa ka mid ah faafitaanka ciyaardhaqameedka loo yaqaanno Leelo-goobalay. Xogo badan ayaa laga hayaa dalal badan oo Afrika ku yaal in laga ciyaaro si la mid ah sida Soomaalida dhexdeeda. Sidaas awgeed, waxa ay tahay suurotgal in waayo hore xaawaleydii carrigeenna ku noolaan jirtay ay dhaqankaas la wadaagi jireen reer Maali, Morotaaniya iyo Sinigaal! Dhinaca kale, xiise ballaadhan oo aan u hayay kuulodhaqameedkii ka horreeyay kuwa dibedda laga soo dhoofsado, ayaa igu xambaaray in aan kuushan ku muujisay midigta, oo aan u taxan qaab tusbax ah, aan ka sameeyo midhaha geedka quudka. Runtii si lama-filaan ah ayaa aan u helay maankaashiga (fikirka) ah in aan tusbax ka sameeyo. Bilowgii waxa aan is-lahaa saliid ka tuuji midhaha, sida ta geedka Kulanka loo yaqaan. Ha yeeshee, markii aan ogaaday in dhuuxa midhahani aanay dhumuc la sheegi karo lahayn, saliid wax ku ool ahna laga tuujin karin, isla markaana ay xoog u adag tahay lafta dahaadhka ahi, ayaa ay igu soo dhacday in midhahani noqon karaan kuul ama tusbax aad u tayo sarreeya. Nasiibwanaag, geedkani midho badan ayuu bixiyaa, cimilada adagna waa u adkaysi badan yahay, xidhidkana waa uu iska tarmiyaa (rhizomes), markaa looma baqi karo in adeegsi kale oo midhahiisa ahi dhibaato ku keeni karo tiradiisa.

 

SHARE
Article horeSiyaasigii isku Caano Shubay
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here