Laamaha Amniga Somaliland Oo Qabtay Wasiirro Ka Tirsan Xukuumaddii Madaxweyne Ina Iley Oo Si Dhuumasho Ah Madaarka Hargeysa Kaga Baxayay

0
4

Akhri Magacyada Labadan Wasiir + Muddada Ay Dalka Joogeen Iyo Halka Laga Qabtay

Hargeysa (Hubaal) laamaha amaanka ee Somaliland ayaa gacanta ku dhigay xubno sare oo ka tirsan xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar ee talada maamulka Killilka shanaad laga wareejiyay oo si qarsoodi ah gudaha Somaliland kusoo galay, isla markaasina uga baxa islahaa.

Wasiirka waxbarashada dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Ibraahim Aadan Mahad oo ku magac dheer (Ibraahim Sacab) iyo wasiirka caddaaladda Cabdi Jamaal Axmed Qoloombi oo dhinaca xuduudka Wajaale kaga soo gudbay si dhuumasho, waxaanay ilaa toddobaad ku sugnaayeen magaaladda Hargeysa. Illo xogogaal ah ayaa Hubaal u xaqiijiyay in Labadan wasiir maalinimadii Salaasada ee Ciidda, laga qabtay madaarka Cigaal ee Hargeysa oo qorshahoodu ahaa inay ka dhoofaan, iyagoo usii jeeday dhinaca magaalada Muqdisho. xogtu waxay intaasi ku dartay in laamaha amnigu weydiiyeen labadan sarkaal su’aalo la xidhiidha sharciga iyo aqoonsiga ay sitaan, kadibna waxay sheegteen inay yihiin ganacsato xoolaha ka ganacsata.

Muddooyinkii u dambeeyay waxa gudaha Somaliland soo gaadhayay dadka kasoo cararayay rabshadihii magaalada Jigjiga ka dhacay, kuwaasi oo qaarkood ay lasoo baxsadeen hanti oo Dawladda Somaliland gacanta ku dhigtay

SHARE
Article hore“Maraykanku Wuxuu U Baahan Yahay Inuu Aqoonsado Somaliland Ka Hor Inta Aanu Ruushku Ictiraafin” Michael Rubin
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here