Laascaanood: Muran Ka Taagan Halka Magaalada Biyaha Looga Soo Jiiddayo

0
1

Golaha Deegaanka Oo Diiddan In Magaalada Biyaha Looga Soo Jiiddo Ceelka Gooja-cadde ee Deegaankaasi Ku Yaalla

Laascaanood (Hubaal) – Xildhibaannada Golaha deegaanka ee Laascaanood ayaa ka hor-yimid biyo-gelin la doonayo in laga sameeyo Magaalada Laascaanood. Xildhibaannada ayaa sheegay in shirkadda la siiyey Mashruuca biyo-gelinta Laascaanood doonayso inay Magaalada Biyaha uga soo jiiddo Ceelka Goojacade oo ay sheegeen in biyihiisa aanay Xooluhu Cabbin karin, sidaasi darteedna waxay ugu baaqeen Dawladda Somaliland inay mashruuca dib u eegto. Xildhibaan Maxamed Aflahaar oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha deeganka Laascaanood ayaa sheegay in aanay ogolayn in Magaalada Laascaanood biyo looga soo geliyo Ceelka Gooja-cadde, waxaanu yidhi “Dawladdii Riyaale biyo-gelin ayay ballan qaaday, Tii Siilaanyo iyana doorashada waxay ku gashay in ay biyo-gelin samaynayso, halka Muuse Biixina uu sidaas si la mid ah u ballan-qaaday, haddana la sheegay in ceelka Gooja-cadde oo aan xooluhu cabbi karin in la yidhaahdo waa laga soo jiidayaa taasina maaha mid aanu yeeli karno”

Xildhibaannada Golaha deegaanka oo dhaliilay Shirkad Magaceedu yahay Nugaal oo la sheegay inay ku guulaystay Mashruuca Biyo-gelinta Laascanood, ayaa diiddan Ceelka la doonayo in Biyo-gelinta looga sameeyo Magaalada Laascaanood, kaasi oo ay sheegeen inaan biyihiisa xooluhu cabbi karin. Shirkadda Nugaal oo ah Shirkadda wadda Biyo-gelinta Laascaanood ayaa dhawaan qalabka biyaha lagu sifeeyo ku rakibtay duleedka Magaaladaasi.

SHARE
Article horeFursadaha Iyo Caqabadaha Horumarka Gobalka Awdal
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here