Labada Xisbi Mucaarid Oo Aragtiyo Isdhaafsan Ka Bixiyey Maamulkii Hawada Oo Ay Dawladda Soomaaliya Oo Ku Dooday In Si Buuxda Loogu Gacan Galiyey

0
1

Muxuu Xisbiga UCID Ka Qabaa Dooddaas, Muxuuse Dhiggiisa WADDANI Ka Yidhi Qoddobkaas?

 

 

 

“Madaxweynaha Waxa  Ayaan Daro U Ah Isaga Oo Sarkaal Ciidamada Cirka Ah In La Qaato Oo Uu Kalmad Ka Odhan Kari Waayo Hawadiisii Oo Ah Qayb Ka Mid Ah Dhulkiisii”……….“Innagu(Somaliland) Hawadeena, Dawladda Somaliland Iyo Cidda U Xil Saaran Arrintaas  Ayeynu Ka Sugaynaa In Meeshii Aynu Ku Ogayn Ay Ka Guurtay   Iyo In Cid Kale Loo Geeyey”

 

Hargeysa(Hubaal):-Xisbiyada mucaaridka ah ee somaliland ayaa mawqifyo kala fog ka taagan maamulkii hawada oo ay si toos ah ula wareegtay dawlada soomaaliya. Dhawaaqyada kala fog ee xisbiyada mucaaridka ah ayaa soo baxaya iyada oo dawlada federaalka ah ee soomaaliya ay shaacisay inay si toos ah ula wareegtay maamulkii hawada isla markaana laga hagi doono magaalada Muqdisho. Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa qaba inay borobogaandho tahay in xukuumadda xukuumada Xamar ay la wareegtay maamulkii hawada. Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Axmed Xirsi Ducaale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin wararka sheegaya in soomaaliya la wareegtay maamulkii hawada waxaanu yidhi “Maaha markii ugu horaysay ee aanu maqalno in hawada wixii laysku odhan jiray soomaaliya oo ahayd Somaliland Iyo Soomaliya la yidhaa waxa laga soo wareejiyey Nairobi oo Xamar ayaa loo soo wareejiyey, waxyaabaha noocaas ahina waa borobogaandhada ay reer soomaaliya isku maaweeliyaan,  hawada iyo hanti kale oo badan oo magacii jamhuuriyada soomaaliya aduunka kaga maqan ama cid gaari haysataa waxay ka mid yihiin waxyaabaha ka dhaxeeya labada dal, cid soomaaliya u dhalatay iyo cid ajanabi oo kale ma wareejin karto, sharciyadna uma laha inay wareejiso.”

Xoghaye Eng Axmed Xirsi Ducaale ayaa soo jeediyey in xukuumada looga dambeeyo arimaha la xidhiidha maamulka hawada “Inagu(Somaliland) hawadeena meel ayeynu ku ognahay, dawlada somaliland iyo cida u xil saaran arintaas ee shaqadaas leh ayeynu ka sugaynaa in meeshii aynu ku ogayn ay ka guurtay inay ka wareegtay iyo in cid kale loo geeyey taas jawaabteeda cida u xilsaaran ee dawlada somaliland u qaabilsan ayeynu ka sugaynaa.”

Dhinaca kale xoghayaha duulista xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Nuuradiin Diini oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dawlada soomaaliya ay la wareegtay maamulkii hawada “Iyada oo la wada joogo ayaa xafiiskii Nairobi ee ICAO waxa uu si toos ah u yidhi waxaanu maamulkii hawada ku wareejinay Muqdisho, wasiirka duulista iyo hawada soomaaliyana waxa uu sheegay in gabi ahaanba la soo xidhay xafiiskii laga hagayey duulimaadyada hawada soomaaliya iyo somaliland lana keenay Xamar, cashuurtii ka soo xaroonaysayna la kordhiyey, qoladaas reer koonfureedna waxay ku tilmaameen qadiyadan mid u eeg xoriyadii 1960-kii ee ay ka qaateen Talyaaniga.”

Sidoo kale xoghaye Nuuradiin Diini ayaa arintan ku tilmaamay mid ceeb ku ah madaxweynaha somaliland “Madaxweynaha waxa  ayaan daro u ah isaga oo sarkaal ciidamada cirka ah in la qaato oo uu kalmad ka odhan kari waayo hawadiisii oo ah qayb ka mid ah dhulkiisii, hore-na waxaanu ugu jeedinay inuu ciidamada cirka dhiso taasina ma muuqatee wasaaradii ayuu baabiiyey.”

SHARE
Article horeRiyaddii Xalay “Duqayntii Itoobiya Iyo Curashadii Shanta Soomaaliyeed” !!! W/q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare)
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here