Labadii is Eedday. -W/Q: Cabdixakiim “Ubaxle”

0
1

Waa dhammaadkii Juun iyo dharaarihii u horreeyey Julaay. Waa guyaal dhowra hortood iyo maalmo Soomaalida meel gaara ugu dhigan. Waa maalmihii saancaddaaluhu sannado kala danbeeya ka hulleelay sabo Soomaaliyeed. Waa calankii u horreeyey ee ciid Soomaali yeed  laga taagayo oo carfigiisii cir iyo dhulba xejin waayeen oo cajaa’ibaadkiisa laga cuudu billaysanayo. Waa casar liiq cadceeddu carraabe u sii faannoguratay iyo ceelka badhtamaha Hargeysa.

 

Waa Maxmiyaddii Ingiriisku gumeysan jiray oo xora iyo Xamar oo Talyaani ka sii xadhko furanayo. Waa Soomaalidii Faransiisku haystay oo toddoba iyo toban sano ka dib xornimo taama heli doonta iyo Soomaalidii Itoobiya iyo Kiiniya lagu kala daray oo cadarka Hargeysa iyo cuudka Xamar sanka la soo raacaysa.  Waa xareeddii heego Hargeysa ka hoortay oo Xamar mulacyeysay iyo dhulkii  xaalufay oo cosobku tabaaday caleentuna dhulka cadrinayso.Waa iftiin soo bidhiiqay iyo barwaaqo soo burqanaysa. Waa uduggii midnimada iyo ilayskii xorriyadda oo arlada haysta. Waa maalmo joogistooda la jeclaysto ka maqnaanshahoodana loo muraaqoodo.

Waa maalmo dheguhu danaynayaan dhegaysiga heestii halku dhigga ahayd ee

Soomaliyeey toosoo

Toosoo isku tiirsada eey

Hadba kiinna taag daraneey

Taageera weligiineey.

Sharcigaa isku kiin tolayoo

Luuqaddaa tuwaaxid ahoo

Arligiina taaka ahoo

Kuma kala tegeysaan oo.

Waa mar kale iyo maalmo magacii leh iyo meel kale. Waa guyaal badan debadood iyo Soomaalidii xornimada gumeysiga uga horqaadatay oo god madow ku dhacday. Waa midowgii shanta Soomaaliyeed oo aan midho dhalin iyo labadii israacday oo is eedday. Waa Geeskii Afrika ee istiraatijiga ahaayoo dayacan iyo labadii israacday oo afka libaax cartamaya ku jira. Waa furaha badbaadadooda oo Xamar yaalla iyo nin Farmaajo la yidhaahdo oo sii kala fogaynaya.

Cabdixakiim Maxamuud Maxamed “Ubaxle”

Ubaxle959@gmail.com

SHARE
Article horeKulan Ceelalyo U Ah Dib-u-eegis & Wax-ka-bedel Lagu Samaynayo Xeerka Saxaafadda Somaliland Oo Hargeysa Ka Furmay
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here