Luul Jirde Xuseen Oo Madaxweynuhu U Magacaabay Guddoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland

0
1

Hargeysa (Hubaal) Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa Guddiga Mihnadleyaasha Caafimaadka u Magacaabay Guddoomiye cusub, kaasi oo noqon doonta Luul Jirde Xuseen Ducaale.

Wareegtada uu Madaxweynuhu ku Magacaabay Masuulka cusub, isla-markaana loogu Mahad-naqay Guddoomiyihii hore ee Guddigaasi oo soo gaadhay wargeyska Hubaal ayaa u qornayd sidan:

WAREEGTO MADAXWEYNE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-292/042019 uu ku magacaabay Guddoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Markaan Arkay:       Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:       Aqoonteeda, Kartideeda iyo Waaya-aragnimadeeda;

Markaan ku Qancay:           In ay Hanan Karto Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:            La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Dr. Luul Jirde Xuseen Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Guddoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaan uga mahadcelinayaa Guddoomiyihii hore muddadii uu hayey xilka Qaranka.

SHARE
Article horeFaysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Ganacsade Geelle Loo Xoog Sheeganayo
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here