Ma Dhab Baa In Kulan Gaar Ahi Ay Isku Turxaan Bixiyeen Madaxweynaha Somaliland & Guddoomiyaha UCID?

0
1

Xisbiga UCID Oo Xalay Ka Hadlay Tibaaxaha Weriyey In Guddoomiyahooda & Madaxweynuhu Kulmeen

Hargeysa (Hubaal) – Xisbiga Mucaaridka ee UCID, ayaa beeniyey in war laga baahiyey guddoomiyaha Xisbigooda oo la sheegay inay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kulan gaar ah oo khilaaf dhex dhexyaalay turxaan bixin u ah ay wada yeesheen, balse warkaasi xisbigu waxa uu ku sheegay mid aan jirin isla markaana aanay jirin wax dhib ah oo dhex yaalay Guddoomiye Faysal iyo Madaxweynaha Somaliland midna aanu jirin. Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Mucaaridka UCID Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni), ayaa war kooban oo uu saxaafadda ugu talo galay ka soo saaray warkan guddoomiyahooda iyo Madaxweynaha Somaliland laga baahiyey, waxaanu sheegay in aanu jirin wax kulan gaar ah oo garnaqsi ah oo dhex maray labada hoggaamiye ee qaranka Somaliland iyo Xisbiga UCID, isaga oo farta ku fiiqay in aanay jirin wax khilaaf ama turxaan oo dhex taala labadooda ama waxay isku hayaan, waxaana uu qoraalkiisu u dhignaa.

Ujeeddo: Sixid Iyo Beenin War Laga Baahiyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID

Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID wuxuu halkan ku cadaynayaa in aanu jirin warar lagu sheegay inay kulmeen Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaanan umadda u cadaynaynaa in aanu kulanka aan jirin  oo lagu sheegay mid Turxaan bixin ahi, in aanay haba yaraate jirin wax la turxaan bixiyo ama ismaan dhaaf oo dhexyaala labada hogaamiye Ama xukuumada iyo Guddoomiyaha Xisbiga.

Ugu dambeyntii fariinta kooban ee sixitaanka iyo cadaynta ah ka dib, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu  waxa uu sacadaha soo socda u baxayaa safar shaqo oo kamida hawlaha uu xisbigu qaranka u hayo.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Mucaaridka UCID Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni)

Wabilaahi Tawfiiq.

SHARE
Article horeDhibaatooyinka Bacaha (Plastic Pollution). Qalinkii: Axmed Nuux Daa’uud
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here