Ma Federaal Ayay Somaliland Qaadatay Mise Anaa Mooday..!! W/Q: Mahad Cabdi Barre

0
10

Runtii waxaa laga yaabaa in marka aad qoraalkayga akhrido ay wax badan iska bedelaan sida aad u fekerayso, bal wakhti kooban I sii si aad u dhuuxdo xog badan oo aad si fudud u baadhi karto adiga laftaadu.

Si aynu isula jaanqaadno aynu xasuusteena dib ugu celino xilligii uu dalka ka talin jiray Xisbiga UDUB, isla markaana Xisbiga Kulmiye uu ahaa mucaaradka waxaa dembi ahayd in la arko qof Xamar ka yimi oo magaalada dhex maraya, waxaadna ogaydeen Kulmiye oo xukuumadda ku eedaynaya “Waxay ku guul-darraysteen inay ogaadaan dadka dalka dembiga ka galay ee Xamar ka yimi” waxaynu ogayn iyada oo Madaxweyne Rayaale lagu eedeeyo “Djibouti ayay Hotel isugu soo galeen dad Xamar ku abtirsada”.

Waan kugu waafaqsanahay wakhti waliba waayihiisa leh, laakiin dunidii halkaas taagnayd maanta wax badan ayaa isbedelay, aan sawir kaa siiyo dhacdooyinka uur-ku-taallada leh.Waxaa qarankan Somaliland heshiis ku ahaa in dadka Xamar taga ay dembiilayaal yihiin, waana sababta aynu u diidnay inaynu horfadhiisano dalka Turkiga, waa sababta aynu u qaadanay in la xidho siyaasiyiinta Xamar innaga taga, waxaynu heshiis ku ahayn in qofkeena khaldama ee Xamar taga ee soo toobad keena inuu dadka cafis weydiisto, isla markaana si furan looga aqbalo.

Haddaba Xukuumadda Kulmiye jidkaas way bedeshay, tusaale ahaan Sifir oo ahaa Ra’iisal Wasaare ku Xigeen hore oo Soomaaliya ah ayaa dawladda Kulmiye u yeedhatay, maynaan ogayn meeluu cafis ku dalbaday, taas bedelkeeda xil baa lagu abaal mariyey iyo in laga dhigo Safiirka Somaliland ee Kenya, dadka niyadda wanaagsan ee Somaliland taasna way qaateen, waxaase wax walba fuuqsaday markii isaga oo ka hadlaya VOA oo la weydiiyey maka noqotay Mabda’ii Somaliweyn uu ku jawaabay “Maya … laakiin markii hore Somaliland ayaa diidanayd wadahadal (Midnimada) laakiin markii ay aqbashay wadahadalka Ayaan imi” wuxuu carrabkiisa ka qirtay “Anigu dhex ayaan u ahay Somaliland iyo Soomaaliya” tolow haddaa yuu metelaa. Xukuumaddu raalli-gelin iyo fal-celin toonna kama muujin.

Nabarkaas oo ku yaalla qaranka Somaliland ayaa haddana isla bishan waxaa Xamar looga yeedhay siyaasi aaminsan midnimada Soomaaliya, waa Guddoomiyihii Hore ee Baanka Dhexe ee Soomaaliya Aqoonayahan Cabdullaahi Jama Cali, waa shakhsi aqoon durugsan u leh cilmiga baananka, wuxuuna guddoomiyaha baanka dhexe ee Soomaaliya soo hayey 2011 illaa 2013. Waa aqoonyahan u dhashay Somaliland laakiin ka mid ah dadka aan shacabkiisa la fekerka ahayn, aqoonayahankan saddex toddobaad ka hor ayaa Xamar looga yeedhay isaga oo loo sheegay inuu noqonayo Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Soomaaliland. Haddaba shacabka Somaliland waxaan jecelahay inay iiga jawaabaan:

Ma diidani in dadkeena aqoonta lihi ay dalkeena u shaqeeyaan laakiin dadka innaga fallaagooba goorma ayaa abaal-gud looga dhigay xil?

Ma waxbaa iska bedelay mabda’eenii goonni-isu taagga Somaliland? Mise dad la’aan ayaa inna haysa? Sowta siyaasiyiinteennii suuqyada taagan tahay ee bilaa camalka tahay, goormaa loo baahday dad aaminsan mowqif ka duwan kan shacabkani qabaan?

Sida aad warbaahinta ka dhegeysataan waxaa siyaasiyiinta guul-darraystay ee Xamar hoggaamiyaa ay ku doodaan ‘siyaasiyiintaa shacabka khaldayee, dadku midnimo ayay doonayaan’ haddii sidan wax u socdaan waxaa rumoobaysa arrintaas.

Anigu ma diidani inaynu Xamar isku Milano laakiin waxaan diiddanahay sida qiimaha jaban ee aynu isu dhiibnay innaga oo aan ogayn, ka waran berri haddii uu Jaamac Yare ama Ismaaciil Buubaa ama Maxamed Cumar Carte Hargeisa ka soo dego oo reerkiisu taageeraan yaa diidi karaya? Muxuu kaga duwanaanayaa Sifir iyo Guddoomiyahan Baanka? Haddii Jaamac Oday ama Foosiya ay timaaddo yaa hor istaagi karaya? Miyaanay keenayn in reerkii xukuumadda ku yar mucaarada inay taageero ka raadsadaan XAmar?

Isku day inaad naftaada suaalahan weydiiso ka dibna adigu jawaabo isu raadiso.

Mahad Cabdi Barre

Diplomacy and International Relation

Maryland, USA

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here