“Ma Jiro Wefti Uu Hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Laga Soo Celiyay Sool”

0
1

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Sool

Laascaanood, (Hubaal)Tan iyo mudada saddexda todobaad ku dhaw ee ay labada beelood ku dagaalameen koonfurta magaalada Laascaanood, halkaas oo ay qasaare laxaad leh isku gaadhsiiyeen dhinacyadu, ayaa waxaa jiray gurmad aan xaddi lahayni oo isku dayaya inay hakinayaan colaadaas beelaha, iyagoo ilaa wakhtigaana ku hawlanaa xallinta iyo raadinta waanwaanta nabadeed. Waxaana dagaalkan beelaha doorweyn oo ah mid sii fogaynaya xallinta shaqaaqadaa door weyn ka qaatay warbaahinta qaybaheeda kala duwan iyo weliba barkulanada ay bulshadu aaraada ku wadaagto ee Internetka.

Cabdirashiid Xirsi Daar oo ah siyaasi ka soo jeeda deegaankaa dirirtu ka dhacday, muddo dheerna soo ahaa gudoomiye ku xigeenka Gobolka Sool ayaa ka digay wararka aan xaqiiqada ahayn ee sida farriimaha ah bulshada loogu gudbinayo waxaanu yidhi; ”Waxaan ugu horreyn mahad celin aan miisaan lahayn halkan uga faa’iideysanayaa madaxweynaha Jmhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, aniga oo ku bogaadinaya go’aankii uu qaatay ee uu ugu baaqay cid kasta oo afka Soomaaliga ku hadasha oo xalkeeda wax ka qaban karta, taas oo ahayd arrinta keliya ee dhiirigelisay waxgaradkii meel kasta ha ku sugnaadeene dareemaysey colaaddan beelaha” ”Waxa kale oo aan ka digayaa in bahda ku hawlan warbaahinta iyo weliba in kale oo baraha bulshada wax ku faafisaa inay yihiin xilligan cidda sida aanay u qiyaasnayn ugu hawlan hurinta colaad mar danbe dib uga qaraxda dhinacyadii colaadu u dhaxaysay oo ah dad ceel iyo carshinba wadaaga, waxaan xusayaa inaanay ahayn wax jira in wafdi uu wasiirka arrimaha guduhu hogaaminayo oo jidka loo galay ama laga soo celiyey safarkii ay ugu baxeen, aniga oo shaqsi ahaan ka soo jeeda xidhiidh aan is ogayna la wadaagay wiilkaygii, walaalkay ,adeerkay, abtigay, dhamaantoodna ii xaqiijiyey inaanay waxba ka jirin arrintaa, sidaa awgeed waxaan leeyahay waxyeelada aad geysanaysaan ma aha mid aad daweyn kartaan da’yartiinaasu, arrintaana dhumay ka dhacdayna aynu u deyno waxgaradka gacanta ku haya oo aynu wakhti siino inta ay natiijo idamka ilaahay walaalaysa ka soo saarayaan, natiijadaas oo ay fulinteeda yeelanayso xukuumada Somaliland.”

SHARE
Article horeKoox Sheegtay Inay U Midoobeen Bedbaadada Sucuudiga Oo Ku Baaqday In Maxamed Bin Salmaan Laga Warreejiyo Xilka
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here