Ma Sare u kaca Shillinka ayaa Hoos u Dhigay Sicir-bararka?

0
1

Guddoomiyaha Baanka Dhexe oo Sheegay in Hoos loo Dhigay Sicir Bararka iyo sababta keentay

Hargeysa-(Hubaal)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadasshay isbedelka ku yimi sarifka lacagaha shillinka iyo doolarka , waxaanay sheegtay in ay kot u qaaday qiimaha lacagta waddanka si ay bulshada qiimaha kowaad u siiso shillinka Somaliland. Guddoomiyaha Baanka dhexe, Mudane Cali Ibraahim Baqdaadi ayaa caddeeyey guusha laga gaadhay hoos udhaca doolarka iyo kor u kaca shilinka Somaliland ay tahay siyaasad guud oo ay dawladdu dejisay,

Guddoomiye Baqdaadi waxa uu xusay in arrinta kor u kaca shillinka Somaliland ay keentay inuu hoos u dhaco Sicir bararka oo samayn xun ku haya noloshada bulshada gaar ahaan danyarta.

Cali Ibraahim Baqdaadi  oo ka hadlaayey kulan dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland , Muuse Biixi Cabdi iyo Sariflayaasha dalka Ayaan sheegay in bangigu yahay farsmo balse siyaasadda ay leedahay dawladda dhexe waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya yidhi, “Dawladda oo joojisay kharashaadkii saayidka ahaa ee aan ku jirin miisaaniyadda joojisay oo ugu horreeyo wasiirka maaliyadda oo xakameeyey lacagtii iska bixi jirtey, oo imika wax aan miisaaniyadda ku jirin ma saxeexo, annaguna Baanka haddaanu nahay waxayagu waa farsamo, laakiin siyaasadda dawladda ayaa keentay in dhaqaaluhu dego, sicir-bararkuna hoos u dhaco.”

SHARE
Article horeMasar oo daldashay nin si weyn loo doon-doonayay
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here