HUBAALMEDIA.COM
Ma Ya’daan (ى) Ogaa Ayuu Laba-Dhibcoodna u Raaciyey
October 19, 2016 - Written by admin

Qoraa/: Maxamed Faarax Qoti

Wakhtiyo hore ama beri hore oo la soo dhaafay waxa jiray Boqor ka mid ahaa boqoradii hore ee ka soo taliyey dunidan aynu ku nool nahay guudkeeda ee masaalka iyo tusaalaha loogu soo qaato habkii uu ugaga gaashaantay duufaanadii ceeryaanta lahayd ee dul-hoganaysay.

Wakhtigaasi, waxa ay dadka wax hilaadiyaana ku sababeeyeen in ay ahayd mid ka ukantay cugashadiisii gollaha xukumadda Boqorkaasi, waxa kale, oo ay ku tilmaameen in ay ahayd mid aan si fiican looga fiirsan oo aan loo lafagurin, sidoo kalena, waxa ay ku tiraabeen dhaadin la’aanta wakhtigii uu kala xulanaayey gollihiisa erayadii duur-xulka ahaa ee ay u sheegeen aqoon-yahannadii ka soo jeeday beelihii ay ka tirsanaayeen gollahaas, Erayaddaasina waxa ay ahaayen sidan:-  “ Hebel waa nin aad u fir-fircoon, oo fariid ah, laakiinse,  waxa ku jira in yar oo fudayd ah” ,  Macna erayga fudayd ayaa ahaa mid aanu dhaadin macnihiisa boqorkaasi.

Ka dib, markii ay ku abuureen  khal-khal iyo jahwareer Boqortooyadaas, waxa boqorku go’aan ku gaadhay in uu u kitaab furo,  uguna yeedho sheekh tuf-lahaa oo marka dadka buka dabiibka loogu geeyo ay ka soo noqon jireen iyagoo caafimaad qaba, waxaanu sharaxaad dheer oo uu kaga bixinayey xanuunkii ku dhacay qaar ka mid ah gollaha xukumaddiisa u sheegay Sheekhaas, sidoo kale, waxa uu ku tilmaamay in xanuunkan ku dhacay uu yahay xanuunka la yidhaahdo sal-fudaydka, kaasoo inta badana ku dhaca caruurtu marka ay yar yihiin.

Isagoo hadalkiisii sii wata, waxa uu yidhi :- Inkastoo, haddana lagu tilmaamo xanuunkaasi in ay noqdaan dadka uu haleelaa, kuwo marka ay wax qabanayaan aan ka fikirin waxa ay qaban doonaan natiijadda ka dhalan doontaa waxa ay noqonayso,  taasoo afka- qalaadna loogu yeedho “Attention Deficit Hyperactivity Disorder”.

Ka dib, markii uu fahmay sheekhii tuf-ka lahaa war-bixintii boqorkaasi, waxa uu u dhigay Qar-dhaas Gollihiisii Xukumadda, taasoo markiiba ay kuwada caafimaadeen Gollihii Xukumadda Boqortooyaddaasi.

ma-yadaan

Markii ay ka soo wareegtay muddo dhowr sannadood ah ka dib, wakhtigaas, waxa mar-labaad ku soo noqday xanuunkii-hore loogaga dabiibay, isla-wakhtigii ay ku celiyeen eheladoodiina,  waxa loo sheegay in uu ku maqan yahay safar-shaqo oo la xidhiidha dabiibida dadka bukaanka ah ee ku noolaa deegaanada miyiga ee aadka uga durugsanaa, kaasoo uu qaadanaayey safarkiisaasi muddo dheer.

Waxa ay eheladoodii ay go’aan sadeen in ay dabiib ugaga raadiyaan sheekh kale oo ku dhawaa deegaankaasi, ka dib,  markii ay u keeneen ee uu sheekhii kale ka dhageystay war-bixinta xaaladda xanuunkoodaasi, waxa uu sheekhu ka furay qoortoodii Qar-dhaaso ka laalaaday ee uu u dhigay Sheekhii tufka lahaa.

Isla-markaana, waxa uu sii fur-furay Qardhaasihii, waxaanu hoostooda ugu tagey war-qado ay ku xar-dhanaayeen xarafka  ى  oo lagu qoray khad-madow, ka dibna, waxa uu soo qaatay sheekhii  khad-madow, ka dibna, waxa uu ku qoray oo uu ku dhigay laba-dhibcood  xarafkii Ya’da ahaa  ي hoostoodii, waxaanu warqadihii dib ugu sameeyey qar-dhaaso kale oo cusub.

Waxaanu sheekhaasi uu ku yidhi:-  waxaad u xidhaan marka aad guryahooda aad geysaan, marka ay dhacdo qoraxduna ka fura ayuu yidhi sheekhaasi, isla-saacado ka dib markii ay dib ugu laabteen hoygoodii ee loo galiyey qar-dhaasihii, waxa ay ka sii qaadeen in uu ku sii siyaado xanuunkii hayey, inkastoo, uu ahaa xanuunkaasi kuwa la kala qaado, laakiinse, haddana waxa dhacday in uu xanuunkaasi ay qaadaan dadka kale oo markii hore caafimaad qabay in ay u jiifsadaan xanuunkaasi, kaasoo, cabsi weyn ku abuurtay dhamaan dadkii ku noolaa deegaamadii ay ku noolaayeen shaqsiyaadkaasi.

Mudo dheer ka dib, sheekhii tufka-lahaa markii uu uu ka soo laabtay safarkiisii-shaqo ayey u tageen ehelkoodii, iyagoo gacmaha ku sida qardhaasahii uu u dhigay sheekhii kale, waxa kale oo ay isku arkayeen maadaama ay ahaayeen kuwo khaldamay, in ay ka soo barakeystaan sheekhii tufka-lahaa, isla-markii ay kulmeena, waxa uu sheekhu ka dhageystay ehelkoodii war-bixin dheer oo xanbaarsanayd heerka maanta uu marayo iyo in uu ku faafay xanuunkaasi qaybo ka mid ah dalka.

Dabadeedna, Sheekhii tufka-lahaa waxa uu fur-furay war-qaddiihii ku hoos jirtay Qar-dhaasahaasi, waxaanu ku arkay xarafka Ya’da ي  oo leh laba-dhibcood, waxaanu Sheekhii tuf-ka laahaa uu yidhi:- Ma Ya’dii  ى  aan ogaa, ayuu laba-dhibcoodna uu u raaciyey ي.

Waxa aan dhibic ka mid ah fahamka qormadaydan aan u dhaafayaa dadweynaha akhristayaasha sharafta mudan ee illa wadaaga qormooyinka aan ku baahiyo war-baahinta madax-banaan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Qoraa/: Maxamed Faarax Qoti

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews