Maafiyo Dadka Sixraysa Oo Lagu Arkay Magaalooyinka Waaweyn Ee Sweden

0
4

Arrintan ayaa lagu ogaadey warar sirdoon ka dib dacwado iyo xidhitaanno baahsan oo ka dhacay gobolka Göteborg, waxaana ay haatan booliisku ka digayaan shabakaddan caalamiga ah.

Magaalada Göteborg 15 qofood ayaa dacwad lagu soo oogey, ka dib markii ay wada shaqayn caalami ah la yeesheen booliiska iyo kastamada dalal dhowr ah. Waxaa eedaha ka mid ah dembiyo halis ah oo salka ku haya daroogooyinka dabaqadda 1-aad ee herowiinta iyo kookainta.

Marka la eego nuxurka baadhitaanka, sida ay qabto xogta hay’adda kastamada Sweden ee Tullverket, waxay dadkan loo qabtay xidhiidh la leeyihiin kooxda Black Axe oo ah maafiyo saldhigoodu yahay Nigeria, taasoo sida ku cad warar sirdoon ay sanadahan dambe soo gaadhay magaalada Stockholm, sida uu Lennart Karlsson sheegayo kaasoo ah madax howleed ka shaqeeya nawaaxiga Klara ee Stockholm.

– Waa isu gayn ka kooban hab-howleed, baadhitaanno hordhac ah iyo dad la soo xidhxidhey, balse sidoo kale waxaa jira xuuraansi sirdoon, waxaanu si fudud isugu gaynaynaa qaybaha hal xidhaalahan, ayuu yiri Lennart Karlsson.

Sida ay booliisku baadhitaanada ay sameeyeen ku sheegayaan kooxdan ayaa adeegsata  sixirka loo yaqaanno JUJU ama Voodoo oo aad looga isticmaalo Nigeria, taasoo keentay inay dadka ka soo gala koonfurta Yurub u adeegsadaan inuu noqdo sidii baqal ay ku qaataan daroogada, waana arrin sidoo kale hablaha ku riixda dhillaysi iyo dembiyo kale, iyadoo qofka loogu hanjabayo in sixir lagu dili doono iyadoo la adeegsanayo tin iyo ciddiyo dhibbanaha laga jaray.

Gaar ahaan soo galootiga ka yimaada dalalka Galbeedka Afrika ayay marka hore ku soo jiitaan  ballanqaadyo shaqo oo laga siinayo dalka Sweden, kuwaasoo aan jirin sida uu qabo Lennart Karlsson, balse keenta inay dadkaa gacanta ku dhigaan kooxda Black Axe kuwaas oo ka dib ku khasbaya inay ka shaqeeyaan howlahooda daroogada.

Sida uu sheegayo Karlsson, kooxda Black Axe ayaa wakhtigan lagu arki karayaa meelo badan oo Stockholm ka mid ah, waxaana si gaar ah loola xidhiidhinayey masaajiida ay inta badan ku tukadaan dadka ka soo jeeda Galbeedka Afrika, gaar ahaan dadka Nigerian-ka ah.

Masjidku isagu howlahooda shaqo kuma laha, weliba booliisku waxay qireen in maamulka masaajiidadu uu si wanaagsan ugala shaqeeyo, sidii loo caawin lahaa dhibanayaasha ka yimid dhanka koonfurta Yurub, Karlsson oo sidoo kale ka hadlaya mudada ay kooxdani ka howl gelaysay Stockholm ayaa yiri.

– Asaaska rasmiga ah ee kooxdani wuxuu jiraa muddo 5 sano ah. Waxaan se is maqalnay maamulka masjidka, waxayna noo sheegeen inay la kulmaan dadku marka ay masjidka yimaadaan xilliyada jamaacada iyagoo waydiiya xogo ku saabsan sidii ay shaqo ku heli lahaayeen, balse waxaa dibedda masjidka u taagan kooxda Black Axe oo fursado ugu yabooha, ayuu yiri Lennart Karlsson.

SHARE
Article horeJiho La’aanta Jaamacaddaha
Article soo socdaSOMALILAND: Eedaha Loo Jeedinayo Dawladda Madaxweyne Geelle Oo Isasoo Taraya
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here