“Maalin Hore Ayaan Anigu Ballan-qaaday In Been Aanan Sheegin Ee Immika Ogaada Haddii Runta Laga Xanaaqayo Anigu Xaqiiqada Ayaan Sheegayaaye”

0
29

“Waxa Yaalla 35 Fullinood Oo Qaarkood 17 Sanno, Dadkii Waday In Badan Oo Kamid Ahina Immika Halkan Bay Joogaan Waxaa Ay Is Leeyihiin Baadhasaabka Cusub Kala Kii Ballan Kiiskiina”

 

 

 “Adiga Laftaada Maanta Xalka  Burco Ayaa Laguu Keenay, Welina lama arag nin kursigiisa ku sayaxa oo yidhaahda…….” M. Cali Saleebaan (Ramaax)

 

 

 

Burco (Hubaal)- Badhasaabkii hore ee gobolka Togdheer, haatanna loo soo badalay gobolka Gabiley Md. Maxamuuud Cali Saleebaan [Ramaax] oo isagu maalintii shalay xilkii gobolka Togdheer ku wareejinayay badhasaabka cusub ee loo soo magacaabay Md. Xamse Maxamed Cabdi ayaa khudbadii uu halkaasi ka jeediyey waxaa uu ku soo qaatay caqabadaha hor yaalla xafiiskiisa ee laga sugayo in uu badhasaabka cusubi xalkooda ka fiirsado kuwaas oo uu daaha ka feyday kiisas fulintoodu labaatameeyo sanno qaadatay oo cid ku dhacda la waayay masuuliyiintii soo martay. Mr. Ramaax oo khudbadiisa sacab badan iyo sawaxan kuladhnaayeen waxaa uu ku jiray hadallo uu sheegay in ay xaqiiqo yihiin oo in badan oo dadka dhegeysanayay kamid ahaa aanay jeclaysanayn hase yeeshee uu isagu aaminsan yahay in ay daruuri tahay in la sheego, isaga oo dhinaca kale ku dooday In qoddobada uu ka hadlayaa ay nasteex u yihin in badhasaabka cusubi wax ka ogaado.

 

Ugu horeyn se Mr. Ramaax oo fasiraya sababta xilalka labada gobol loogu kala badalay isaga iyo badhasaabka cusub waxaa uu sheegay in madaxweynuhu uga dan lahaa xalinta arrimo gobolkaasi ka taagan, taasna ay reer Burco maanta u jeellan yihiin in ay meesha ka baxaan “hawl adag baa Burco taalla, hawshaas adag waxaan filayaa reer Burco inay maanta inay u bisil yihiin, adiga laftaadana [badhasaabka cusub]  maanta xalka Burco ayaa laguu keenay”. Sidaas ayuu yidhi badhasaabka xilka wareejinayay ee gobolka Togdheer Mr. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) waxaanu intaas ku daray “Siyaasaddu kolba xal bey maraysaa xalka Burco iyo jiritaankeedu oo aan raali kaga ahay wali lama arag nin kursigiisa ku sayaxa oo yidhaahda halkayga halayga qaado. Miyay hore u dhici jirtay   nin yidhaahda   maanta maalintaydii maaha waxaa loo bahan yahay xalkii  ay Burco inoogu ahaan lahayd Burco”. Ayuu yidhi Ramaax. “Waxaan   idiin sheegayaa reer Burcooy hadaad og tihiin iyo hadii kaleba Burco waxay u baahan tahay weji cusub iyo taariikh cusub, inteenii TV-yada Xusbiyada isu taagnayd ee microphone-nada iska maagaysay  xal may ahayn, ee runtii waxay u baahan tahay xal cusub taas baanu ku yimid halaguna shaqeeyo baan leeyahay, xukuumadduna si fiican bey ugu soo garatay.” “Burco waa magaaladdeenii xumaan adiguna lama jeclid anna lamaan jeclayn, laakiin waxyaabo badan oo duruufuhu keenayaan ayaa iska badnaa, waxaa halkan kuu yaala ee kale in dabacii maamul wali taagan yahay, maalin dhawayd rag badan oo odayaal ah baa ila fadhiyee wuxuun baan ka war helay rasaas suuqa ka dhacaysa, taliyaha qeybta ayaan la hadlay, sidaad magaaladda gacanta ugu qaban lahayd, aadna waanu uga cabanaynaa awaamiirta hargeysa ka soo baxaysa ee aan maamulka gobolku ogayn haday taasi kugu socotana waxba qaban kari maysid, xaqiiqo ayaan ku sheegayaa magaaladda adiga madax ka ah, adigaa taliyaha qeybta xukuma adaa maayirka magaaladda xukuma adaa isu-duwayaasha xukuma nin ku diidi karaana ma jiro halkaana waan kala shaqeynayaa.”

 

“Badhasaab bey leedahay magaaladdu, ama jeclaysta ama necbeysta reer Burcooy ee Badhasaab baa xukuma, waxaana uu wakiil ka yahay oo uu calanka u sitaa madaxweynaha. Malaha in badan baan garanayn shaqadiisa’e waxaa [qeexaya xilkiisa] oo ay ku taallaa dastuurka dalka qoddobkiisa 23aad. Markaa isu duwaha la bedalayo waa inuu ka talo bixiyaa ka shaqadiisa ka soo bixi waaya. Sidoo kale dawladaha hoose ee gobolka ka jira dhammaantood cid uga sarraysa baadhasaabku ma jiro.” “Ninkii u haystay in meello kale laga xukumi jiray waxaan leeyahay gobolku waa gobol, waxaana wakiil uga ah badhasaabka ee halagula shaqeeyo badhasaabka loo soo magacaabay.”. sidaas ayuu yidhi Mr. Ramaax, badhasaabkii hore ee gobolka Togdheer haatanna ah badhasaabka cusub ee gobolka Gabiley loo soo magacaabay. Geesta kalena waxaa uu Maxamuud Cali Saleebaan [Ramaax] ka war bixiyey deegaamayn cusub oo gobolka la soo deristay intii ka dembeysay doorashooyinkii “halkan mudadii doorashada ka dembeysay waxa ku soo badatay deegaamayn cusub laakiin shaqo badan baanu ka qabanay hawshiina way socotaa, markaa in laga qabto oo aad md. Guddoomiye halkii kasii waddana waa loo baahan yahay”.  “waxa kale oo kuu taalla oo magaallada yaalla 35 fulinood, shan iyo sodonkaasi fulinood waxaa ka mid ah qaar 17 sanno socday oo maalin walba dadkii waday ay aniga TV-ga iga caayaan oo saakadaas [maalinta uu hadlayay]  iga caayay. Anigu maalin hore ayaan ballan qaaday inaan been sheegaynin ee xaqiiqada ayaan idiin sheegayaaye 35-kaasi fulinood in badan oo kamid ahi immika halkan bay joogaan waxaa ay is leeyihiin baadhasaabka cusub kala kii ballan kiiskiina, qaarkood waxaa kiisaskaas kaga tagay  badhasaabkii hore [wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha] oo wuu fadhiyaa imika. Markaa dee haddii runta laga xanaaqayo anigu badhasaabka runta ayaan u sheegayaaye ogaada, waxaanan leeyahay 35kaas fulinood ee yaalla md. Guddoomiye aad iyo aad uga fiirso.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here