HUBAALMEDIA.COM
Maamulka Dugsiga M.A.Cali Oo 19-Nuqul Oo Kamid ah Buugga GURRAC Dab Qabadsiiyey Iyo Sababaha Loo Ololiyey Oo Maamulaha Dugsigaasi Sharraxay
September 29, 2016 - Written by admin

Waxa Uu Buuggani Xambaarsan Yahay waxyaabo dhaqanka Suubban Baalmarsan, isla-markaana luminaya anshaxa La Tarbiyadaynayo

maamulka-dugsiga-m-a-cHargeysa:(Hubaal)-Maamulka dugsiga Sare ee Maxamuud Axmed Cali, ayaa gebi ahaanba gubay oo dab qabadsiiyey tiro nuqullo kamid ah buugga GURRAC oo dhawaan dugsigaas loogu baaqay, kadib markii la ogaaday inuu xambaarsan yahay waxyaabo akhlaaqda suuban iyo dhaqanka islaamka ka dhan ah.

Sida uu wargeyska Hubaal u xaqiijiyey maamulaha dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali Md. Cali Axmed Balayax Xirsi, waxa  la gubay 19-nuqul oo kamid ah buugga GURRAC oo dhawaan la daabacay, kaas oo muddo toddobaadyo ah yaallay xarunta buugaagta lagu keydiyo(library) ee dugsiga, ayaa loo diray macallimiin dugsiga katirsan, kuwaas oo akhris dheer kadib badka soo dhigay waxyaabo badan oo waxyeello ku ah akhlaaqda iyo qiyamka islaamka, isla-markaana waxyeello ku ah maskaxda iyo maanka da’yarta dugsigaas wax ka barata.

Maamule Balayax waxa uu sheegay in waajib ka saaran da’yarta wax ka barata dugsiga uu gacanta ku hayo, isla-markaana ay aanu oggolaan doonin wax lagu dhex faafiyo waxyaaabo waxyeello ku ah qiyamkooda iyo akhlaaqda Ardayda, waxana uu xaqiijiyey in dhammaanba nuqulladii buugaas dab la qabadsiiyey.

Waxa uu maamuluhu intaas ku daray inay maamul ahaan garwaaqsadeen in buuggaas la gubo si aanu ardayda ugu dhex faadhin, maadaama uu xambaarsan yahay qoraallo liddi ku ah akhlaaqda, isla-markaana dhiirrigelinaya inay sare u kacdo is-dhexgalka dhallinyarada kala jinsiga ah.

Cali Axmed Balayax waxa uu si cad u sheegay inay yaqiinsadeen inaan nuqullada buugga GURRAC lagu keydin karin xarunta akhriska ee dugsiga Maxamuud Axmed Cali, isaga oo ka duulaya waajibaadka dhinaca diinta iyo dhanka maamul ahaan uu doorbiday inuu Adaydiisa ka mamnuuco inay buuggaas akhristaan.

Mar aanu maamulaha weydiinay erayada aan akhlaaq ahaan wanaagsanayn ee buuggani xambaarsan yahay, ayuu sheegay in qoraallada Buugga ay ku jiraan hadallo aan dednayn oo saran, kuwaas oo marka ay maskaxda da’yarta ku dhacaan qayb weyn ka qaadan kara inay si dhib yar u lunta qiyamka iyo tarbiyadda suuban ee dhalinyarada dugsigaas dhigataa huwan yihiin, taas oo ilaalinteeda waajib badani ka saaran yahay maamul ahaan.

Buugga GURRAC oo ah buugga kaliya ee uu qoray qoraa Khadar Cabdi Cabdilaahi, ayaa lagu soo bandhigay magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa iyo Burco, waxana su’aalo badani ka taagan yihiin dardarta ka muuqatay buuggan oo si ka duwan buugta kale ee qoraayada u dhashay Somaliland loosoo bandhigay.

Qaar kamid ah dadka dhaliila buugga GURRAC, ayaa waxa ay sheegayaan in buuggani uu dabada ku hayo aragtiyo burburinaya qiyamka da’yarta, isla markaana lagu weerarayo garaadkooda dhinaca akhlaaqda ah, iyagoo tilmaamayo in hay’ado buuggan dhiirrigelinayaa si weyn u taageereen buugga, taas oo sabab u noqotay in ugu yaraan saddex magaalo oo waaweyn lagu soo bandhigo, iyadoo waliba munaasibado waaweyn loo qabtay.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews