Maaree Macaanka. (Qormo Caafimaad Oo Toddobaadle ah. Qalinkii: Cabdixakiim Ubaxle)

0
1

Halkii aan hayaanka ka sii wadno. Mayee si la iskula qabsado qaybtii hore aan dul ka xaadis iyo dulmar ku samayno. Maxaynu nidhi? Macaanku waa xanuun jiitama oo dhowr jaad u kala baxa. Nooca koowaad oo ah nooca ugu halista badan, maaddada insuliinta ee  ganacu soo daayo ayaa gabi ahaanba la waayaa. Nooca labaad insuliinta ayaa yaraata ama shaqo ahaan u shiiqda. Nooca saddexaad ee sooraacaa waxa uu haleelaa hooyada uurka leh. Saddexduba waxa ay wadaagaan in sonkorta dhiigga ku jirtaa kor u kacdo, haddii aan wax laga qabanna qofku halis galo.

 

Haye, hadda ma wada soconnaa? Aan geeddiga ka sii dhaqaajinno gurigii aan furnay. Weyddiimihii innoo rahmanaa aan u soo kala hormayno sidii ay u soo kala horreeyeen. Aan ku bilowno “yaa macaanka halis ugu jira in uu ku dhaco?” Dad lagu qiyaasay 352 million. Oo waa ayo dadkaasi? Dadka cayilan. Cayilan? Show buurnidan aad raadiso iyo baruurtan aad u baroorataaba balaayo ayey kaala maqantahay! Waxa kale oo iyana halis ugu jira macaanka dadka ka soo jeeda qoys macaan leh “family history”, dadka da’da ah “ka weyn shan iyo afartan sano”, dadka fadhiga badsada ama fadhiga ku shaqeeya ee aan wax jimicsi ah samayn, iyo dadka sida joogtada ah u qaata cuntooyin sonkortu ku badantahay “glucose rich diet; carbohydrates”.

 

Dadka kale ee macaanka u nugul waxa ka mid ah dadka dhiigkarka leh, hooyada macaanka uurku hore ugu dhacay ee ka bogsatay, iyo gabdhaha leh xanuunka  polycystic ovarian syndrome, PCOS.

 

Waa maxay calaamadaha macaanka lagu gartaa? Macaanku gaar ahaan nooca labaadi ma yeesho calaamado qofka markaaba ku qasba in uu dhakhtar raadsado. Laakiin calaamadaha macaanka lagu aqoonsado waxa ka mid ah kaadida oo badata, oon iyo haraad joogto ah, miisaanka oo dhaca, daal iyo tamar darro badan, indhaha oo waxba si fiican looga arki waayo, jidhka oo qofka cuncuna, kaadida oo sonkori soo raacdo, iyo calaamado kale.

 

Intaa ma haysaa? Aan hore u yara soconno e, bal hoo su’aashanna. Sidee macaanka looga hortagaa ama la iskaga ilaaliyaa? Hubaal waa halka ugu muhiimsane yeyna kaa hoos bixine hoos u fiirso. Mise dhallinyar baad tahay oo dhawaanahan kama cabsi qabtid in uu macaan kugu dhaco? Da’daadu dammaanad kama aha in aad macaan yeelato iyo in kale maanta. Hadda waad nagula qanacday da’ kastood tahay in aad u guntato ka hortagga macaanka. Kaalay oo bal haddaba nala dhuux dhowr siyaabood oo yaryar oo aad iskaga ilaalin karto macaanka.

 

  1. Samee jimicsi joogto ah. Sida ay Hay’adda Caafimaadka Adduunku ku talisay da’aha kala duwani waxa ay ubaahanyihiin jimicsiyo kala duwan. Tusaale ahaan, qofka 5 ilaa 17 sano jira waxa looga baahanyahay in uu ugu yaraan maalintii saacad jimicsi ah sameeyo, halka qofka 18 ilaa 64 sano jirana looga baahanyahay in uu sameeyo 150 daqiiqo ama saddex saacadood oo dhadhaw toddobaadkiiba, ama si ka sii fudud ugu yaraan labaatan daqiiqo oo jimicsi ah maalin walba.

 

Jimicsi? Ma waxa aad u fahantay kubbad la ciyaaro mise bir la qaadqaado? Intaaba ka gudo ballaadhan. Gucle ama orod yar oo gaaban ayaad samayn kartaa, ciyaarta ku xiisa gelisa ayaad ciyaari kartaa. Intaasiba haddii ayna kugu habboonayn lugee oo fadhiga badanna iska ilaali.

 

  1. Haddii aad cayilantahay rid miisaankaaga. Mar kale, haddii aad cayilantahay rid miisaankaaga.

 

  1. Cun cunto dheelli tiran. Iska yaree waxyaabaha subagga leh iyo cuntada sonkortu/guluukoostu ku badantahay. Ku dedaal waxyaabaha baalka leh cunistooda, sida galleyda, digirta, garowga, iwm. Ku darsoo khudaarta iyo midhahana ha ka qadin.

 

  1. Jooji balwadda, ogiyoo khamriga ama alkahoosha ma cabtide sigaarka iska daa.

 

 

 

Ma fahantay intaa? Gunto oo gaws danbeedka dhigo. Maad daashay? Nafis oo labadan su’aalood nagula naso. Sidee macaanka loola noolaadaa? Waa lala saaxiibaa ma runbaa? Haaye inna mari iyadana bal aan isla eegno e.

 

  1. Xilli hore is baadh. Haddii si uun aad uga shakido in aad macaan leedahay, ama da’daadu 45 sano gaadhay, ama aad cayilantahay, ama hooyo iyo aabbe midi macaan leeyahay,ma adka kharash badanna kuma baxo e, iska baadh macaanka.

 

  1. Ha dhayal sane dhuux oo raac tilmaama dhakhtarka. Beddel qaab nololeedkaaga adoo raacaya qodobbada xagga sare ku xusan (4ta qodob ee ka hortagga).

 

  1. Haddii aad isticmaasho dawooyinka afka laga qaato, xilliga aad qaadanayso iyo xaddiga aad qaadanaysaba xilligooda ku ilaali. Haddaad insuliin isku durto/muddo iyadana waqtigeeda qaado.

 

  1. Ka warhay sonkorta dhiiggaaga dhakhtarkana ha ka dheeraannin. Haa mar adaa isku filan oo waad ogaankartaa xaaladdaad halkay marayso, laakiin sannadkiiba hal ama laba jeer tag dhakhtarka si looga hortago cidhib xumo macaanku ku yeelan karo wadnahaaga, kelyahaaga, indhahaaga , neerfaha iyo dhaawacyada oo bogsan waaya.

 

 

 

Gabagabadii, macaanku waa xanuun waqti dheer lala noolaado oo culays qofeed iyo mid bulsheedba leh. Illaa hadda wax dawo ah oo lagaga bogsado looma hoyo laakiin waxa socda dedaallo dawo waarta lagu doonayo, sida in ganac macmal ah la tijaabiyo, artificial pancreas, in unuggayada ganaca ee insuliinta soo saara la abqaalo, islets transplant, iyo in dawooyin kuwa la hayo ka horumarsan la sameeyo. Isku soo wado duuboo, xalku waa in haddii aanad lahayna ka hortaggiisa ku dedaasho haddii uu ku hayana aad la saaxiibto.

W/Q: Cabdixakiim Maxamuud Maxamed “Ubaxle”

Ubaxle959@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here