Maareeyaha Madbacada Qaranka Oo Sheegay In Aan La Aqbali Karin In La Baal Maro Go’aamada Ay Meelmariyeen Golayaasha Baarlamaanka

0
3

Hargeysa (Hubaal)- Maareeyaha Madbacada Qaranka Somaliland Maxamuud Raage Ibraahim ayaa Sheegay in Madaxweynaha Somaliland aanu aqbali karin in uu baalmaro wixii ka hor imanayo Sharciga dalka u yaala ee ay meelmariyeen Golayaasha Guurtida iyo Golaha Wakiilada.

Maxamuud Raage Ibraahim oo shalay la hadlay qaar ka mida Warbaahinta ayaa waxa uu usoo jeediyay Xisbiyadda Mucaaradka ee Waddani iyo Ucid in ay ixtiraamaan Go,aamada ka soo baxa Golayaasha Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada,waxaana uu intaasi ku daray in aaan la qaadan karin in la burburiyo Golayaasha Qaranka.

Maxamuud Raage Ibraahim oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi“Markii hore ee Madaxweynuhu lahaa wixii Sharciya ayaa la marinayaa waxa uu ogaa madaxweynuhu in Qiimayn tooda leeyihiin Golaha Guurtida Golaha Wakiilada iyo Maxkamadda sarre,hadii aynu baabiiino Golayaasha oo ay jiraan Golayaal suuqa oo masixi kara wixii Golayaassha qaranu gaadhaan Macnaheedu waxa weeye Dawladnimada ayaa la masaxayaa,Dawladnimada ay doonayaan in xisbiyada Mucaaradku dhaxlaan ee ay doonayaan in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo Faysal Cali Waraabe Madaxweyne ka noqdaan waa kuwaa dhisan Golaha Wakiilada Golaha Guurtida Xukuumadda iyo Maxkamadda sarre,waan la ilaliyaa kuwaas ayaa isku keen haya hadii kuwaas laga talaabsado Go,aanadooda nin waliba reer ayuu noqonayaa waala baabayaa,”.

Maxamuud Raage oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Madaxweynuhu ma aqbali karo mana qaadan karo wax aan Sharcigu u ogolan waxaana Aduunyada lagu kala baxaa Sharciga,anigu waxa aan diidanahay in wixii shuruucda dalka u yaala in xeer beegti laga galo markaas ayayba qaldan tahay,hadii umadda Somaliland Go,aansato in aan cidba la xidhin qof kasta Sharciga ayaa ka Sarreeya hadii uu ku gafo qof sharftiisa madaxduna karaamo ayay mudan tahay,”.

SHARE
Article horeLaba Qodob Oo Hal-Xidhaale Ku Ah Kulanka Farmaajo Iyo Afwerki Magaalada Asmara Ku Dhexmaray
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here