Maareeyihii hore ee Xidhiidhka Raashinka Qaranka oo Xilkii Xafiiskaas Ku Wareejiyey Maareeyaha Cusub Ee Loo Soo Magacaabay

0
79

Maareeyaha hay’adda maamulka Dekeddaha horena u ahaa maareeyaha Xafiiska xidhiidhka raashinka oo Kalsooni iyo Dhiirgelin isugu daray Mas’uulka bedelay

 

 

Hargeysa (Hubaal)- Maareeyihii hore ee xafiiska hay’adda xidhiidhka raashinka qaranka haatanna ah maareeyaha cusub ee  hay’adda maamulka dekeddaha Md. Siciid Xasan Cabdillaahi ayaa maalintii shalay si rasmi ah xilkii xafiiskaas ugu wareejiyey maareeyaha cusub ee dhawaan madaxweynuhu u soo magacaabay Cali Diiriye Axmed. Xafladda xil wareejinta labada maareeye oo ka qabsoontay xarunta xafiiskaas oo ku dhex taalla wasaaradda beeraha Somaliland ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin uu kamid ahaa wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim, wasiirka ganacsiga Cumar Shucayb, wasiiru-dawlaha ganacsiga Maxamed Warsame iyo wasiir ku xigeenka maamulka gobollada iyo degmooyinka ee wasaaradda arrimaha gudaha Jaamac Cabdillaahi Warsame (Biin), agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha Maxamed Cilmi Aadan iyo masuuliyiin kale. Maareeyaha cusub ee hay’adda maamulka dekedaha horena u ahaa maareeyaha xafiiska xidhiidhka raashinka qaranka Siciid Xasan Cabdillaahi oo madashii uu xilka ku wareejinayay khudbad kooban ka jeediyey ayaa ka warramay waxyaabaha la taaban karo ee u qabsoomay muddadii uu xilkaasi hayay. Mr. Siciid Waxaa uu sheegay dhinaca kale in uu kalsooni badan ku qabo maareeyaha cusubi in uu xilka uu ku wareejinayo  uu halkii uu soo gaadhsiiyey meel ka durugsan gaadhsiin doono. “run ahaan farxad dheeraad ah ayay ii tahay aniga oo aqoon badan u leh Cali Diiriye [Maareeyaha cusub] inuu maanta xilka igala wareego, 100%-na waxaan ku qanacsannahay halkii aan dhigay iyo meel ka durugsanna inuu dhigi doono maareeyuhu”. Sidaas ayuu yidhi maareeyihiih ore ee xafiiskaasi. Waxaa isaguna kelmado kooban oo mahadnaq iyo duco ah halkaasi ka jeediyey maareeyaha Cusub ee xafiiska xidhiidhka raashinka qaranka loo magacaabay Cali Diiriye Axmed,waxaana uu yidhi  “waxaan idinka mahadnaqayaa sida qiimaha leh ee aad shucuurtiina iigala qayb qaadateen madashan, waxaanan rejaynayaa idinkuna aad igu garab istaagi doontaan inaan waajibkayga  u guto si buuxda. Waxaan u mahad naqayaa shaqaalihii xafiiskan ee sida sharafta leh u soo agaasimay xafladda”. Gebogabadii waxaa halkaasi khudbado kooban halkaasi ka jeediyey qaar kamid ah shaqaalaha xafiiskaasi oo maareeyihii hore ku ammaanay wada shaqayntii ka dhaxaysay isaga iyo hawl wadeennadiisa oo ay ku tilmaameen in uu waxqabad muuqda ka geystay xafiiskan mudadii uu xilkiisa hayay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here