HUBAALMEDIA.COM
Maayarka Burco Oo Iska Barraxay Xanaf Laga Dhadhansaday Waslad [Clip] Kamid Ahayd Khudbad Uu Kusoo Hadal-qaaday Musharraxa KULMIYE
September 23, 2016 - Written by Mustafe Faro

“Xaqiiqdii Aniga Xisbi Baa La Igu Ogyahay Oo Musharrax Baa Lagu Ogyahay, Meel baana La Igu Yaqaannaa, Laakiin……”

“HAdalkii Aan Hore U Idhi Ee Ahaa: ‘Haddii Uu Illaahay hoggaanka Innoogu Dhiibo Muuse Biixi, waxay noqonaysaa Mar Labaa Iyo Buuraha’, Waxaan Uga Jeeday ee Aan Ka Hadlaayay, WAxay Ahayd……….”-Maayar MURAAD

maayBurco (Hubaal) – Guddoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa degmada Burco Maxamed Muraad Ayaa naxli ujeedaysan ku tilmaamay Waslad [Clip] maqal iyo Muuqaal ah oo dhawrkii caanno maal ee lasoo dhaafay si weyn ugu faaftay baraha xidhiidhka bulshada, taasoo laga soo dheegtay khudbad uu magaallada Burco ka jeediyey, oo qayb kamid ah la faaf reebay. Muuqaalkan laga soo gooyey khudbadiisa ayaa nuxur ahaan ku saabsanaa guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ahna Musharraxa xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi ayaa guddoomiyaha golaha deegaanka Burco ku tilmaamay in cid ujeedo gaara lihi ay faaf-reebtay iyada oo looga dan leeyahay in la majara habaabiyo kalsoonida uu ka haysto xisbul-xaakimka iyo musharraxiisa. Maayarka Burco Maxamed Muraad oo maalintii shalay warbaahinta maxalliga ah kula hadlay magaallada Burco ayaa ku dooday in la marin habaabiyey biyadhaca Weedh ku jirtay muuqaalka laga duubay oo uu kaga hadlayo rejada siyaasadeed ee uu ka filayo Guddoomiye Muuse Biixi haddii uu ku guulaysto doorashada madaxtooyada ee loo diyaar garoobayo. Weedhan uu ku tiraabay Mr. Muraad ee sida weyn ugu faaftay barkulanka xidhiidhka bulshada ee Youtube-ka iyo Facebook-ga waxa ay u dhignayd oo uu yidhi “Immika Haddii Uu Illaahay SW uu hoggaanka Innoogu Dhiibo, waxaa ay noqonaysaa Mar Labaa Iyo Buuraha”. Weedhaas oo macneyaal kala duwan loo turjuntay ayaa Maayarku sharraxay dulucda uu uga dan laha iyo sida loo fasirtay.

 “Xaqiiqda warkaygu waa in xisbiga [KULMIYE] La igu ogyahay, Musharrax baa la igu ogyahay, Meeel baana laygu yaqaannaa oo aan fadhiyaa”. Sidaas ayuu yidhi duqa Burco, waxaanu intaa ku daray “Nin baa waxaa la yidhi wuxuu maqlay iyada oo diinteenu tidhi; Geella Sako laguma laha illaa inta uu gaadho nasaabka lagaga bixinayo….Ninkii dabadeed hadalkii muu wada dhegeysan ee markuu maqlay Geella Sako Laguma laha ayuu iska baxay, kadibna wuxuu dadkii gaadhsiiyey hadalkii oo kala dhiman oo wuxuu nin kasta ku yidhi; Sheekh hebel, waxaa uu shalay masaajidka ka lahaa Geella wax sako ah laguma lah!!!. Waa runtii oo Geella wax sako ah laguma laha laakiin [Illaa uu shan halaad gaadho] ayuu ka tegey. Markaas waxaan leeyahay hadalka la iga baahiyey waa hadal la jarjaray oo la googooyey oo qaybo kamid ahi meesha kamaqan yihiin, iyaguse [Cidda uu ku eedaynayo inay ka dembeeyaan in ay majarahabaabiyeen hadalkiisa], Waxay Is leeyihiin sidan buu Idinku Anfacayaaye, laakiin dee bahashu [siyaasaddu] haddii aanay xaqiiqo ahayn ma fogaato oo way muuqataa”. Sidaas ayuu yidhi Maayarka Burco oo iska difaacayay sida loo dhigay hadalkiisa. Dhinaca kale WArbaahinta oo mar kale maayarka ku celisay su’aal la xidhiidha hadalka uu yidhi iyo waxa uu uga jeeday, waxaa uu yidhi “ Waxaan anigu hadalkayga uga jeeday, waxaan ka hadlayay SNM-ta iyo halkii ay soo martay, yacnii xuquuqda SNM Ku leedahay dalkan ayaan ka hadlayay, waxaanan lahaa haddii Illaahay Maanta Xukunka innoogu dhiibo Muuse Biixi, SNM-tii baa mar labaad xoogaysan doonta, oo mar kale hoggaanka dalka qabsanaysa. Anigu sidaas ayay iga ahayd”. Ayuu yidhi Mr. Muraaad

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews