HUBAALMEDIA.COM
Madal Ay Goob-joog Ka Yihiin Hoggaanka Axsaabtu Oo Komishanku Ugu Qori-tuuray Qaabka Ay Saddexda Xisbi U Gelayaan Ololaha Doorashada
June 21, 2017 - Written by Mustafe Faro

Komishanka Doorashooyinka Oo Soo Bandhigay Natiijada Qori-tuur Ay U Sameeyeen       Magacyada Iyo Astaamaha UCID, WADDANI Iyo KULMIYE Loogu qoray Waraaqaha Codbixinta

saddex guddoomiye

Hargeysa(Hubaal):-Guddiga  Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa ku dhawaaqay hannaanka kala horraynta ololaha doorashada Madaxtooyada ee sadexda xisbi Qaran ee dalka iyo habka loo qorayo astaamaha doorashada lagu gelayo ee asxaabta qaranka. Kulan ay gudiga doorashooyinka qaranka Somaliland iyo wada qaateen masuuliyiinta sadexda Xisbi qaran,ayaa la iskula qaatay qaabka ay sadexda Xisbi qaran ugu kala horraynayaan ololaha doorashada Madaxtooyada. Waxaanay Xisbiyadu ololaha ugu kala horraynayaan Xisbiga UCID oo ka koobaad ah ka labaad oo KULMIYE ah iyo WADDANI oo kaalinta sadexaad ku jira.  Sidaana waxaa lagu sheegay Warqad qorituur ah oo ka soo baxday guddiga Doorashooyinka qaranka  oo ay ku saxeexan yihiin Guddoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan iyo Guddoomiyeyaasha UCID Faysal Cali Waraabe KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha ku-meelgaadhka ah ee WADDANI Cabdiqaadir Jirde,  Warqadda Qoraalka ah ee lagu shaaciyey kala hormeynta qaabka iyo qorituurkaloo sameeyey ololaha xisbiyada oo ay komishanku soo saareen 14kii bishan taas oo warbaahintu heshay ayaa u dhignayd sidan:

Ujeedo: Natiijada Qori-tuurka Kala Horreynta Magacyada Iyo Astaamaha Xisbiyada

Maanta oo ay taariikhdu tahay 14ka bisha June [markii warqaddu soo baxday] sanadka 2017 waxaa xafiiska komishanka doorashooyinka qaranka ka qabsoomay kulan ay yeesheen xubnaha KDQ iyo guddoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran.  Komishanku waxaa uu u qorituuray saddexda xisbi si loo helo habka ay u kala horreynayaan saddexda xisbi qaran magacyadooda iyo astaamahooda lagu daabacayo waraaqaha codbixinta, foomamka natiijada doorashada iyo qoraallada kale ee doorashada madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ee qabsoomaysa 13-th Nov 2017 u tuuray. Waxaanay natiijadda qorutuurka iyo habka kala horreynta udhacay hab daah furan iyagoo ay goob joog ka ahaayeenxubnaha komishanka iyo hoggaanka xisbiyada qaranku, waxaana qorituurkaasi u dhacay sidan hoos ku xusan:

“Dhammaan qoraallada iyo waraaqaha codbixinta doorashada madaxtooyada JSL ee qabsoomaysa 13-ka Nov. 2017 waxa ay xisbiyadu u kala horaynayaan sidan:

  1. Party UCID
  2. Party KULMIYE
  3. Party WADANI

Sidaas ayay warqada komishanku soo saaray oo ay ku saxeexan yihiin saddexda guddoomiye xisbi iyo guddoomiyaha Komishanku u dhignayd

2-13

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews