Madaxda Dalalka IGAD Oo U Fadhiya In Eritrea Lagu Soo Dhaweeyo Xubinnimada Ururka

0
1

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaliya, Axmed Ciise Cawad, oo waraysi gaar ah siinayey laanta af Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in arrinta Eritrea lagaga hadlayo shirka madaxda IGAD ee galinka dambe.

Wuxuu sheegay in laga gudbay “arrintii keentay in markii horeba laga saaro ururka”, isagoo sheegay in “xalay dhalay laga noqday”.

Arrintaas ayuu sheegay in sababteeda ay leeyihiin “hogaamiyeyaasha cusub ee yimid, ayadoo la go’aansaday in dhinaca iskaashiga loo jihaysto”.

Doorka Soomaaliya ay ku leedahay arrinta Eritrea iyo Jabuuti ayuu ku tilmaamay inuu yahay “isu soo dhoweynta dalalkaas. Labada dal waxay ballan qaadeen inay dhamaynayaan khilaafka” ayuu yiri.

Labada madaxweyne ee labada dal, Isaias Afwerki iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan goobta shirka, waxaana la filayaa in ay goor dhow ku kulmaan goobta Shirka.

Madaxweyanaha Soomaaliya, Maxamed C/laahi farmaajo ayaa isna duhurnimadii maanta gaaray magaalada Addis Ababa.

Garoonka waxaa uga hor tagay ku simaha madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar iyo madaxa xisbiga deegaanka ka arrimiya, Axmed Shide.

Mustafe Cagjar wuxuu bartiisa Twitter soo dhigay qoraal uu ku sheegayo in ay tahay “markii ugu horraysay ee ay is gacan qaadaan madaxweyne Soomaaliyeed”.

Farmaajo wuxuu ka mid yahay madaxda IGAD ee doorka weyn ka qaatay isu soo dhoweynta Eritrea iyo Jabuuti.

Gelinkii hore ayaa waxaa aad looga hadlay arrinta South Sudan.

SHARE
Article horeNidaamka Caafimaadka Somaliland iyo Bulshada Danyarta ah. W/ Q: Cabdiwahaab Tooxyare.
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here