“Madaxda dalalka Muslimiintu intay isku magcaabaan; Amiirro, Khaliifyo, Aabbihii Garashada iyo Odayga ayey dadkood carruur ka dhigaan”

0
16

Dharaaro xusuustood: Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 39aad

“Dancing on the heads of snakes”

“Ku dul dhantaynaayaa madaxyada masaska”

Cali Cabdalla Saalax

Gees-300x228Taladii uu Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax uu Madaxweyne Marxuun Cigaal iyo wafdigiisii u soo jeediyey sannadkii 1999kii ee ahayd, “Ku qabso ku qadimaysid’e.” Sharciyadda dawladnimadda, qolada Wallaweynta, ayaa maanta mid la mid ihi ka taagan tahay Dalkii Yemen.

Qaybtii Waqooyiga ee loo yiqiin Dawladda Waqooyiga Yemen oo ka koobnayd 13 Gobal, 11 Gobal oo ka mid ah iyo Caasimaddii SANCA, waxa qabsaday jabhadda Xuutiyiinta. Labada Gobol ee TACIS iyo MA’RIB ayaa iska caabbiyey oo ay qabsan kari waayeen.

Qaybtii la odhan jiray Dawladda Koonfurta Yemen ee caasimadeedu ahayd CADAN, waxa u soo guuray Madaxweynihii la ictiraafsanaa oo Reer Koonfureed awalba ahaa iyo dawladdiisii qayb ka mid ah oo sheegtay dawladdii sharciga ahayd ee Jamhuuriyadda Yemen. Hadda labadaas dawladood ayaa ka jira Yemen. Qolada Cadan waxa taageera Dawladaha Khaliijka ee lacagta leh oo ay hormood u tahay Boqortooyada Sucuudigu, Qolada Sanca ee Xuutiyiinta waxa taageera Eeraan (Iran) iyo Ciraaq iyo Suuriya iyo Xisbu-llaahi, waa shiicadii. Bal ka sitee.

Waxa la yidhi; ‘Wada hadla, oo heshiin maayaan ee waa dagaal, oo kii roonaadaa ayaa reerka u hadhaya ama waa iska kala taga.’ Yemeni waa deriskeena bal aad ha loolla socdo sida ay wax u dhacayaan. Waagii hore ee la isqabtay 1994 ee qolada Koonfurtu ku dhawaaqday goonni–isu-taagga, Marxuun Cigaal waxa uu ictiraafay Qoladaas Cadmeed, nasiib-darro waa laga itaal roonaaday. Maanta bal dabaysha aan hilaadinu xagga ay u dhacayso yaanse lagu degdegin.

Madaxweynihii hore ee dalka Yamen Cali Cabdalla Saalax, ayaa markii kacdoonkii dadku ku qasbay inuu xilka ka dego, xilkaasi oo uu xoog iyo xeelad ku haystay 33 sanno ayaa ku hadaaqay weedha kor ku qoran oo taariikhda u gashay. Waxa uu u jeeday Yemen ciddii xukuntaa waa cid ku dul dhaantaynaysa madaxyo masas oo haddii aad jaanta la weydid mas ayaa kugu dhufanaya. Madaxweynihii ka dambeeyey ku dhaantayn kari waa madaxyadii masaska oo waa kaa Caasimaddii Sanca ka carraray oo Cadan tegay. Maxamed Siyaad Barre ayaa markii Soomaaliya laga saaray isaga oo la baacsanayo, oo uu orodkii ku galay Kenya ayaa isna markii la waraystay yidhi; “Dad waalan ayaan jeel ku hayey, oo jeelkii jabsaday.” Waa markuu 22 sanno isna xukumayey. Maxamed Siyaad Barre waxa uu ku dhintay Dalka Nayjeeriya (Nigeria) oo magan-gelyo siisay. Dalkaas oo uu ka talin jiray waqtigaasi keligii-tashade la odhan jiray Abaaja (Sani Abacha).

Wasiiru-dawlihii Arrimaha Dibedda ee Dalka Itoobiya ee hore Dr. Alemu Tekede ayaa mar uu igu martiqaaday Magaaladda Addiis Ababa, waxa uu yidhi; “Waxaan dhambaal u geeyey Madaxweyne Abacha. Dhambaalkaas oo iigu sii dhiibay Meles Sinaawi Madaxweynihii Itoobiya sannadkii 1995. Waqtigaas oo Siyaad Barre uu ku geeriyooday caasimadda dalkaas Nigeria ee Abuja. Waxa hoggaamiyihii Abacha uu ii sheegay inuu Siyaad Barre uu is-dilay ee aanu caadi u dhiman.” Ma aan sii weydiin habkii uu isu dilay Wasiirkii Reer Itoobiya ee warka ii sheegay, waayo waqtigaas uu warkaasi ii sheegayey waxa uu ahaa sannadkii 2004 oo aan ahaa Agaasimaha Fulinta ee Akaademiga Nabadda iyo Horumarka.

Madaxda dalalka Muslimiintu intay isku magcaabaan; Amiirro, Khaliifyo, Aabbihii Garashada iyo Odayga ayey dadkood carruur ka dhigaan, oo ka qaadan xoriyadooda oo ay u diidaan inay doortaan madaxdooda iyo ciddii ay ku aamini lahaayeen masiirkooda iyo aayahooda. Marka ay jiq ku noqoto ee dadka ay dhibeen ku dilaacaan ayey ku sheegaan masas jebiso ah iyo dad waalan oo mar dambe u gefaan oo ugu sii daraan dhibaatadii hore hadalo deel-qaaf si aan loo sheegin dambiyadooda.

Bal waxaad is barbardhigtaa, Dalalka India, Pakistan iyo Bangladesh oo mar isku ahaan jiray dal qudha oo la wada odhan jiray Hindiya oo Dawaldda Boqortooyada Midawday (United Kingdom) ay gumeysan jirtay. Markii ay dawladnimada qaateen ayey u kala go’day Hindiyi saddexdaa dal oo Muslin iyo Hinduus kal ah. Hindiya waxay raacday dhabihii dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka, waa taas maanta dayax-gacmeedada u diraysa xiddigaha oo dhowaan u siqi doontaa dalka ugu dhaqaalaha weyn dunida.

Pakistan iyo Bangladesh halka ay ku dambeeyeen waxa sabab u ahaa madaxdii qabsatay oo jidkii keligii talisnimada mariyey dalkii oo dimuqraadiyaddii god madaw ku riday, tii ayey ka soo waaqsan waayeen. Waad aragtaa maalin aan dhibaato laga sheegayn ma jirto. Hadda akhirstaw dadka Hindiya iyo Pakistan iyo Bangladesh ku nooli waa isku mid. Waxa kala duway madaxdii majaraha siyaasadda u kala qabatay ee labada jid kala raacday.

Soomaalidu waxay tidhaahdaa; “Awrka dambe Awrka hore ayuu tallaabadiisa leeyahay.” Madaxda reer Somaliland muxaafid iyo mucaaradba waxa saaran xil taariikh ahi. Ummaddaas iyo dalkaasi cusubi ee curdinka ah, haddii jidkaas lagu badhaadhay ee dimuqraadiyadda iyo dooroshooyinka iyo illaalinta xoriyaadka uu u asteeyey dastuurku lagu hagaajo, way kori oo nabad iyo horomar ayey gaadhi doontaa: haddii laga baydho oo muddo kordhin iyo xaal xaal mastuur iyo beelaysi lagu warwareego. Reer ba’ow yaa ku leh ayaa ka dhici.

Dimuqraadiyadda, sharci ku noolaashahu, illaalinta xuquuqda aadamigu, ma aha wax marna la siiyo dadka marna loo diido ama sida qasabadda biyaha oo marna la xidho marna la furo oo sidaasi ciddii madax ihi ka yeesho. Waa wax la barto oo lagu noolaado oo waayo-aragnimo u noqda oo ay ku ababaan dhaxalna u noqda faca soo koraya ee ma aha waxyi mar soo degaya ee waa kuf iyo kac.

Hindiya tirada cod-bixiyaashu waxay yihiin 814 milyan (814,000,000,), maalin doorashada dib looma dhigin loomana dhigi karo, muddo kordhin sheekadeed daa’. Somaliland oo tirada codbixiyaashu aanay marna kor u dhaafin lix boqol oo kun (600,000) ayaa doorashadii la qaban kari la’yahay, waa hadal af ka weyn, oo ceeb ku ah dadka iyo madaxda xisbiyada, Guddigga Doorashooyinka, aqoonyahanka iyo madax-dhaqameedka Somaliland oo haysata odhaahdii Sayid Cali Binu Daalib ku yidhi Ciidankiisii markii ay dagaaalami waayeen “Mar waxaad tidhaahdaan waa kul oo dagaalami mayno, marna waxaad tidhaahdaan waa dhaxan oo dagaaalami mayno, marmarsiinyo ma weydaan.”

War beenaw haddii mindhaa aan beddeli lahayn labada qodob ee waqtigii xaarama-cune lagu soo dhaafay ee la shakisanaa ee dastuurka ku jira, kuwaas oo kala ah qodobka 42aad farqaddiisa 3aad,iyo qodobka 83aad farqadiisa 3aad waa la qaban lahaa doorasho walba waqtigeeda ee isku halayn ayaa jirta oo keenaysa wahsiga.” Wahsi baa naftaydii dilee inaan warfaa weeyee” gabayaa Somali ihi ayaa yidhi . Wuxuu odaygii Soomaaliyeed ku yidhi inamadiisii markii naftu qabatay waar Nuur iyo Naaleeye waad joogtaan eh naftu yey iga bixin !! Waar Somaliland muxaafid iyo mucaarid waa loo wada joogaa eh dimuqraadiyaddu yaanay innaga bixin!!

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here