“Madaxtooyada Habeenkii markay gaadho 11:00-ka Jin-baa la wareega”Muj. Cali Guray

0
19

Hargeysa(Hubaal)-Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UCID Muj Cali Maxamed Xasan, (Cali-guray), oo ka qayb-galay munaasibada furitaanka Shirweynaha Dhalinyarada Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa daboolka ka qaaday in Guddoomiya Golaha Wakiillada ahna, hogaamiyaha Xisbiga Waddani uu kaalin muhiim ah ugu jiro Xisbiyada Mucaaridka, sidaasi darteed uu Kursiga Shir-guddoonka Wakiillada sii hayn doono ilaa Doorashada la qabanayo.

cali gurayCali guray oo khudbad ka jeediyay xaflada furitaanka Shirweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa sidoo kale hambalyo u diray Dhalinyarada Xisbigaas ee uu Shirweynuhu u furmay, isagoo geesta kalena bogaadiyey qaabka xisbigaasi u abaabulay Shirweynihiisa oo uu ku tilmaamay nidaam casriya.

Waxa kale oo uu Dhaliilo xoogan u jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isagoo xusay inay iska dhego marinayso inay umadda la tashado dawladdu, doonaysana inay fowdo iyo qas u horseedo qaranka, si ay wakhti dherer u hesho. Laakiinse waxa uu tilmaamay in wakhti aan fogayn uu iman doono kala-tashi siyaasadeed, hadii ay xukuumaddu ku adkeysato iska dhego marinta baaqyada Mucaaridka ee ku aadan Doorashada. “hadii sidaas wax ku socdaan. 26 june marka la gaadho waxa iman doonta in dalku saddex Madaxweyne yeesho. Oo Xisbi Waliba Madaxweyne doorto.” Ayuu yidhi Cali Guray.

Waxaanu intaas raaciyey “waxa iman doonta iyadoo Siilaanyo iyo Muuse Biixi isku haystaan kooda Madaxweynaha Kulmiye noqonaya, in Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Madaxweyne u doortaan, oo Faysal Cali Waraabe noqdo Madaxweynaha Ucid”. Waxa kale oo uu Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Ucid sheegay in saacadaha dambe ee habeenkii Madaxtooyada ay la wareegto cid aan Insi ahayn, isagoo taas tusaalle ugu soo qaatay digreetooyinka saacadaha dambe ka soo baxa. “Isku shaandheyntii Xalay (habeen hore), waxaan u fahmay mid Muuse iyo qolada ka soo horjeeda lagu raali geliyey. Madaxtooyadana habeenkii tobanka markay gaadho waxa la wareega Jin oo odaygu kama taliyo” ayuu yidhi Cali Guray.

Isbahaysiga Mucaaridka Somaliland oo ka kooban labada Xisbi ee Waddani iyo Ucid iyo Madasha Wada-tashiga iyo toosinta Qaranka, ayaa dhawaan ku dhawaaqay inaanay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo aqoonsan doonin wixii dambeeya 26 June marka muddo-xileedku ka dhamaado.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here