Madaxtooyada Oo Casho-Sharaf Ku Maamuustay Weftigii Ka Socday Dawladda Eriteriya

0
1

Hargeysa(Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilad, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa casho-sharaf ku maamuusay  wefti heer sare ah oo ka socda waddanka Eriteriya oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda dalka Ereteriya, Mudane Cismaan Saalax Maxamed oo safar shaqo ku jooga Somaliland.

Casho-sharafta uu madaxweynuhu u sameeyey weftiga ka socda dalka Eriteriya, ayaa waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo is-kaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faro-toon), arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Gaashaandhigga, Mudane Ciise Axmed Yuusuf, Horumarinta maaliyadda, Mudane Sacad Cali Shire, Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Cawaale Ibraahim Shirwac, Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Cismaan Jaamac Aadan, guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, dublomaasiyiin iyo marti-sharaf kale.

Wa-bilaahi Tawfiiq

SHARE
Article horeSOMALILAND Iyo Halka Ay Ka Taagan Tahay Geeska Afrika
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here