Madaxtooyada Somaliland: “18-ka May Ma Maalin Madow Baa?”

0
1

Madaxtooyada Oo ka Hadashay Xadhigga Xildhibaan Dhakool

“Waxa Shacabka Somaliland U Sheegayaa Gefkaa Cad Ee Qaranka Laga Galay, Ee Guddoomiye Cirro Doodda Ka Keenay, Sharci-Darradana Ku Tilmaamay, Sow Macnaheedu Maaha Inuu Ku Raacsan Yahay Oo Uu La Qabo In 18-Ka May Ay Tahay Maalin Madow” Afhayeenka Madaxtooyada JSL

Hargeysa (Hubaal) – Madaxtooyada Somaliland ayaa ka hadashay eedaymo Xukuumadda loogu jeediyey Xadhigga Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka soo horjeedsaday Xuska 18-ka May.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo salasadii Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xadhigga Xukuumaddu kula kacday Xildhibaan uu yahay Sharci-darro, balse Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac oo hadalkaa daba socda ayaa sheegay in Xildhibaanku uu ku xidhan yahay Sifo Sharci ah.

Afhayeenka oo maanta Warbaahinta kula hadlay Xarunta Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa, ayaa yidhi “18-ka May ma Maalin Madow baa..” ayuu yidhi, isagoo dibaaqaya hadal hore uga soo yeedhay Xildhibaan Dhakool, hadalkaasi oo ah ka xadhiggiisa loo cuskaday, waxaanu Afhayeenka intaa sii raaciyey isagoo su’aal gelinaya hadalka Cirro ee ah in Xadhigga Dhakool uu Sharci-darro yahay “Waxa Shacabka Somaliland u sheegayaa gefkaa Cad ee Qaranka laga galay, ee Guddoomiye Cirro doodda ka keenay, Sharci-darradana ku tilmaamay, sow macnaheedu maaha inuu ku raacsan yahay oo uu la qabo in 18-ka May ay Tahay Maalin madow..”

SHARE
Article horeBaanka Dhexe Oo Wacyi-gelin Kula Dagaalamaya Sicir-bararka Raashinka
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here