Madaxtooyada Somaliland Maxaa ku soo Kordhay?

0
1

By: Cumar Maxamed Faarax

Hab maamuuska madaxda iyo wufuuddu, waa nidaam caalamiya oo haddii wax ka dhantaalmaan ay dhici karto inay dalalka iyo ururrada caalamiga ah ka dhex dhaliso xurguf siyaasadeed oo wax u dhimi karta labada dhinac ee is booqanaya. Qoddobada  hab-maamuuska qaabilo madaxda dowladaha, urrurada goboleedyada  iyo  kuwa caalamiga ahi, waa dhaqan isku xidhan oo  u baahan in si feejigan  oo laga baaraan-degay loo asteeyo, waxaana ka mid ah qodobbada aadka loo xaaleeyo;  calanka loo dhigo wufuudda, Salaanta, qaabilaada madaarka iyo xataa qaabka loo wada fadhiisanayo.

Waxa baratakoolku ku turjumaa xidhiidhka  diblomaasiyadeed iyo iskaashi  ee ka dhexeeya dhinaca  martida ah   iyo waddanka martida loo yahay.

Haddaba, haddii aan u soo noqdo dullucda qoraalkan, waxaa Isniintii maanta kamaradaha iyo qalabka warbaahinta ka soo baxay muuqaal si weyn uga duwan hannaankii iyo goobtii uu Madaxweynaha Somaliland ku qaabili jiray madaxda iyo wufuudda ka socota caalamka, waxa  sawiradu soo saareen  madaxtooyada Somaliland oo  dabaqday mid ka mid ah nidaamka caalamiga ah ee madaxda loola fadhiisto.

Madaxtooyadu waxay   gabi ahaanba beddeshay habkii qadiimiga ahaa ee xafiiska madaxweynaha lagula kulmi jiray wufuudda heerarka kala duwan leh, oo madaxweyneyaashii Somaliland soo maray ay la fadhiisan jireen  xafiisyadooda  oo ka duwan kuwa loogu talogalay in lagula xaajoodo madaxda martida ah.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo  maanta qaabilay  ergayga cusub ee qarammada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Nicholas Haysom oo socdaalkiisii  ugu horeeyey tan iyo markii uu dhowaan la wareegay xilka ku  ku yimid Somaliland, ayaa noqday  weftigii u horreeyey ee nasiibkiisa ku soo beegmay isbeddelkan madaxtooyadu ku talaabsatay.

Madaxweyne Biixi iyo danjire Nicholas Haysom waxay fadhiisteen laba kursi oo is dhinac yaalla oo uu u dhexeeyey  miis yar , waxaana madaxweynaha  dhabartiisa sudhnaa calanka Somaliland, halka ergeygana uu daboyaalay calanka qarammada midoobay!

 

Sidoo kale, waxa soo jiidasho lahaa madaxdii kale ee ka kala socotay labada dhinac  oo si siman u fadhiistay laba goobood oo iska soo horjeeda oo ku dhow halkii ay fadhiyeen madaxweynaha iyo danjiruhu.

Saxaafadda bulshada iyo goobaha barkulanka bulshadu ku haasowdo,  ayaa markiiba la isku wareejiyey, lagana dooday  isbeddelkaas yar, laakiin aan hore uga jirin Somaliland.

Waxa falaqeeyeyaashu ay ku taliyeen in minbirka lagu qabto shirarka jaraa’id ee madaxtooyada laga dhigo laba mikarafoon, halka ay Wasiir Sacad iyo Danjire Haysom ay iska daba sugayeen  hal mikarafoon iyo hal minbir.

Dadka ray’igooda ka dhiibtay mowduucani  waxay u arkayeen talaabo hore loo qaaday oo ka turjumaysa in xukuumadda sannad jirsanaysa ee Muuse Biixi, ay  ku hirgalinayso habmaamuuska martida  isla markaana hindisahani qayb ka noqon karo  himiladda madaxweynaha ee ku wajahan taabogalinta hannaanka maamul wanaagga.

 

Cumar Maxamed Faarax

SHARE
Article horeSOMALILAND: Walaac Laga Muujiyay Go’aammo Cabudhin Ku Ah Saxaafadda Xorta ah Oo Uu Soo Saaray Wasiirka Warfaafintu
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here