Madaxwaynaha Somaliland Oo Qaabiley Tobankii Hablood Ee Ugu Sareeyay Imtixaankii Dugsiyada Dalka

0
1

Hargeysa (Hubaal) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta qaabiley tobankii hablood ee ugu sareeyey imtixaanaadkii sanad Dugsiyeedka 2017-2018 ee Dalka odhan.

Waxaanu madaxweynuhu Ardaydaasi ku dardaaray inay halkaasi ka sii wadaan dedaalkooda aqooneed oo aanay marnaba ka caajisin ogaadaana in ay hadduun gudo galeen aqoonkii ay ku Soo dhex jireeen 12kii sanno ee hore.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu ardaydaasi ugu duceeeyey in Alle u siyaadiyo aqoonta iyo dedaalka ay la yimaadeen kuna Soo gaadheen heerkan ay maanta joogaan.

Kulan uu madaxwayne muuse biixi ku qaabilay ardaydan ayaa waxaa ku weheliyay wasiirada qoyska iyo arimaha bulshada ,warfaafinta iyo xubno kale oo kamida xukuumadiisa .

SHARE
Article horeGuddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga KULMIYE Oo Sheegay In Xilkii Laga Qaaday Guddoomiyihii Golaha Dhexe Ee Xisbigaas
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here