“Madaxwaynuhu hadii ay jirto in dalkiisa ay xaalad adagi la soo deristay miyaanay ahayn in isaga laftiisu dadka wax u sheego”

0
28

Hargeysa (Hubaal) Mujaahid Cali Yuusuf (Cali Guray) oo qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook-ga ayaa waxa si kooban uga hadlay xaaladda gobolka Awdal ee baryan dambe hadal-haynteedu ku badnayd bulshada Somaliland,waxa uu mujaahidku sheegay in madaxweynaha Somalialand ay tahay islamrkaana ahayd inuu ka hadlo waxa dalka uu madaxweynaha ka ayahay ka dhacaya oo aanu ka aamusin oo waa sida uu hadalka u dhigaye aan ummada war looga dhigin waxyaabaha lagu maaweelinayo madaxweyne Siilaanyo ee muddooyinkan dambe tiifiiyada laga saarayo,waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay sidan:

cali guray“CAJAB! Odaygii waxaas oo miidhan baa marna lagu maaweeliyaa marna lagu madadaaliyaa inagana war la inooga dhigaa. Hadda dhinaca kale sidiiyoo Awdal guuto camaaray ihi ku habsatay waxa ciidan ku sii qulqulaya Borame iyo inta gurmad la iska daba geeyay waynu wada ognahay in aanay wax kale jirin oon hadalkii Suldaan Wabar ahayni kaasina ay ahayd in lala tashado oo laga war sugo hogaamiye dhaqameedka Awdal ka hor inta aan Awdal col la gelinin. Tan kale waar Madaxwaynuhu hadii ay jirto in dalkiisa ay xaalad adagi la soo deristay miyaanay ahayn in isaga laftiisu dadka wax u sheego, odayaasha Awdal la tashado, intii uu talo bidayana wax waydiiyo.Waxan uu meesha ku haysto een caqli iyo cilmi iyo garasho toona lahayn lacag urursi mooyaane miyaanay haboonayn inu yidhaa talaabo lama qaadi karo aniga la’aantay mise isaga laftiisa ayaaba waali duulka ku dhacay Awdal dabada ka riixaya oo waa cadhadii xildhibaabadii Awdal ee fashiliyay shirqoolkii inqilaabkii wakiilada ee dhicisoobay iyo aar goosi iyo gocasho dambe.

Sida loo maamulay arinka Suldaan Wabar sax maaha surma seegtooyinuna way tiro beeleen. Caqliyada siyaasiyiinta curdinka iyo caydinka ah fal xumadooda iyo surmo seegtooyinka ay gelayaan waxa ay xalisho daayoo waxa suurtogal ah inay xaaladda uga sii daraan.

Waxa ka daran Madaxwaynuhu inaga ayuun buu inoo Madaxwayne yahaye iyagu isagay Madaxwayne u yihiin oo waxii kasta ey iyagu wataan kama hor iman karo inu ” hayee iska wata yidhaa mooyee”, hadaba iska wata dad ma kala saari kartaa” ayuu yidhi mujaahid Cali Guray

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here