Madaxweynaha La Doortay Oo Tacsi U Diray Guduudo Carwo

0
149

Xafiiska Madaxweynaha La Doortay

TACSI: MADAXWEYNE          —                   December 07, 2017

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada, bahda fanka iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Fannaanadii caanka ahayd ee Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo-caro) oo ku geeriyootay Hargeysa xalay oo taariikhdu tahay 07/12/2017.

Marxuumad Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo-carwo) oo ahayd hooyadii fanka Soomaalida, isla markaana ahayd gabadhii u horraysay ee Soomaaliyeed ee ka heesta idaacad, waxay caan ku ahayd heesihii Soomaalida ee loo yaqaanay Qaraamiga, waxaanay hormood u ahayd horumarintii fanka Soomaalida.

Madaxweynaha cusub waxa uu ku sifeeyey Marxuumad Shamis Guduudo-carwo mid ka mid ahayd xidigihii ifiyey ee horumariyey fanka Afka Soomaaliga oo ka baxday dhammaan dadka Soomaalida ah, isla markaana waxa uu xusay inay ahayd addoon wanaagsan oo aad u cibaado badnayd.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumadda Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo.

Aamiin….Aamiin….Aamiin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here