Madaxweynaha Oo Dhagax dhigay Biriij Isku Xidhi Doona Magaalada Boorama Iyo Jaamacadda Camuud

0
1

Boorama-(Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan Magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorama oo uu safarkiisi u horeeyey ee dhinaca dhulka ah ku tago intii uu xilka Madaxweynenimo Hayey ayaa isla maanta jaamacada Camuud u balan qaad dhismaha biriij cusub oo isku xidhi doona Magaalada Boorama iyo Jaamacadda Camuud oo xukuumaddu bixinayso kharashka ku baxaya Biriijkaasi, isagoo madaxweynuhu markii laga soo dareeray xafladda Qalin-jebinta dhagax dhigay dhismaha Biriijkaasi.

Madaxweynaha oo ka hadlaya buuntada Camuud ayaa yidhi “waxa aanu ku soo tashanay in aanu buundadaa camuud berito uu qandaraaska bixiyo Cismaan oo aanu hore ka bilowno, dawladda Somaliland-baana dhisaysa, sannado qaadan mayso hay’ad ayaa wax laga sugayaa la odhan maayo, lacag baa la waayey oo hay’addiibaa qandaraaskii nagala daahday la odhan maayo, haddii Alle yidhaahdo berito ayaa tartanka guddida qandaraasyada la gelin doonaa, waxa ka masuula wasaaradda jidadka iyo gaadiidka, gaar ahaan hay’adda waddooyinka, Cismaana waa joogaa xilkaasina sidaasu nagaga wareegay”

Ugu danbayntiina waxa si wada jira loo dhagax dhigay oo biriijkaas oo ay dhagax dhigeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Maareeyaha Haya’adda Waddooyinka Somaliland iyo gudoomiyaha Jaamacadda Camuud.

SHARE
Article horeRa’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Isku Shaandheyn Ku Sameeyay Gollaha Wasiiradda
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here