Madaxweynaha Somaliland Oo Dhaqangaliyay Xeerka Kalluumaysiga Iyo Xeerka Qandaraasyada Qaranka

0
1

Hargeysa (Hubaal) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-207/102018, ku dhaqan-geliyey laba xeer oo kala ah, Xeerka Kalluumaysiga Xeer Lr. 84/2018 iyo Xeerka Qandaraasyada Qaranka Xeer Lr. 82/2018.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Dhaqan-galka Xeerka Qandaraasyada Qaranka Xeer Lr. 82/2018 Iyo Dhaqan-galka Xeerka Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 84/2018.

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-37/808/2018, ee ku taariikhaysan 18/09/2018, ujeeddadiisuna tahay soo gudbin go’aanka ansixinta Xeerka Qandaraasyada Qaranka iyo Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-37/809/2018, ee ku taariikhaysan 18/09/2018, ujeeddadiisuna tahay soo gudbin go’aanka ansixinta Xeerka Kalluumaysiga;

Markaan Arkay: Qodobada 75aad iyo 76aad, ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Waxaan soo-saaray; Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Qandaraasyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 82/2018. Iyo Dhaqan-galka Xeerka Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 84/2018.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL

SHARE
Article horeSomaliland: Wefti Culus Oo Ka Socda Dalka Ingiriiska Oo Hargeysa Yimid Iyo Kulan ay Madaxweynaha yeesheen
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here