Madaxweynaha Somaliland Oo Hambalyo U Diray Madaxweynaha Cusub Ee Loo Doortay Dalka Ethiopia

0
1

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa ka dawladda iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa madaxweynaha cusub ee Dawladda federaalka Itoobiya, Sahle-Work Zewde.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu ku hambalyeynayaa madaxweynaha cusub ee dawladda federaalka Itoobiya guushii ay ka gaadhay doorashada baarlamaanku ugu doorteen madaxweynaha dalkaasi, oo taariikhda markii u horaysay ka dhigaysa in madaxweynuhu noqdo haweenay, taas oo uu madaxweynaha Somaliland-na si gaara ugu hambalyeey dalka Itoobiya.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu hambalyo taa la mid ah u dirayaa dawladda federaalka Itoobiya iyo shacbi-weynaha dalkaasi oo ah dal aynu jaarnimo iyo xidhiidh qoto dheer wadaagno, waxaanu madaxweynuhu, madaxweynaha cusub ee la doortay u rajaynayaa guul, horumar iyo inay halkaa ka sii amba-qaado is kaashiga labada dal ka dhexeeya.

Ugu danbayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu madaxweynihii xilka banneeyey ku bogaadinayaa doorkii uu ku lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya mudadii uu xilka hayey.

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

SHARE
Article horeHaweeney Loo Doortay Madaxweynaha Cusub Ee Itoobiya
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here