Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Qaraxii Maanta Ka Dhacay Itoobiya

0
1

Hargeysa(Hubaal)- Madaxweynaha Jahmhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa cambaareeyey qaraxii maanta ka dhacay isu soo bixii shacbiga ee lagu qabtay  fagaaraha Meskel Square ee magaalada Addis-ababa  ee lagu taageerayey Raysul-wasaare  Abiy Ahmed, sidaasna waxa sheegtay wakaaladda wararka ee SOLNA.

 

Sidoo kale waxa ay madaxweynaha iyo goleyaasha qaranka ee JSL ka tacsiyeynayaan  Raysal-wasaaraha Itoobiya Md. Abiy Ahmed,xukuumadiisa iyo shacbigaba, dadkii ku geeriyooday iyo intii kale ee ku dhaawacan tahay qaraxaas  oo  fal arxan darro ahaa oo ay sameeyeen kuwa nabad diid ah.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somaliland Md. Muuse Biixi  Cabdi waxa uu  sheegay in xukuumad iyo shacbiba ay garab taagan yihiin dawladda iyo shacbiga Itoobiya oo ay wadaagaan xidhiidh sokeeye, mid derisnimo iyo saaxiibtinimaba.

SHARE
Article horeXukuumadda Somaliland oo Jawaab Ka Bixisay Dagaalka uu Cabdiweli Gaas kaga Dhawaaqay Garoowe
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here