Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Tacsiyeeyay Dawladda Iyo Shacbiga Itoobiya Geerida Girma Walde Giyorgis

0
1

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Dhambaal Tacsi ah u dirayaa dawladda federaalka Itoobiya iyo shacbi weynaha dalkaasi  aynu jaarka nahay isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid madaxweynihii  hore  ee dalka Itoobiya,  Girma Walde giyorgis oo xalay ku geeriyooday  Cusbitaal ku yaalla Magaaladda Addis Ababa.

Madaxweynuhu waxa uu Madaxweynihii hore ee geeriyooday ku tilmaamay  siyaasi ka baxay dawladda Federaalka Itoobiya iyo mandaqadda Geeska Afrikaba, isla markaana muddadii uu xilka hayey door laxaad leh ka qaatay  iskaashiga iyo xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.

Madaxweynuhu waxa uu shacbiga Itoobiya iyo dawladdaba mar labaad ka tacsiyadaynayaa geerida ku timi madaxweynihii hore ee dalkaas Girma Walde giyorgis.

ALLAA MAHAD LEH

 

Maxamuud Warsame Jaamac

 

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

SHARE
Article horeMadaxweyne Biixi Oo Hadhimo-Sharafeed U Sameeyey Xildhibaannada Golaha Wakiillada
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here