Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda Dalka Jarmalka

0
1

Hargeysa(Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti  ka socda dalka Jarmalka oo ay hoggaaminayso safiirka waddanka Jarmalka u fadhida Kenya Ambassador  Annett Günther, islamrkaana uu wehelinayo ku-xigeenkeedu, Mr. Markus Bollmohr.

Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay weftiga ka socda dalka Jarmalkaa oo ay ku wehelinayeen wasiirrada arrrimaha dibadda iyo iskaashiga  caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa diiradda lagu saaray arrimo badan oo salka ku haya xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jarmalka ka dhexeeya.

Waxyaabaha kale ee kulankan lagaga hadlay, ayaa waxa kamid ahaa dardargelinta iyo kordhinta deeqaha uu jarmalku siiyo Somaliland, ka midho dhalinta mashaariicda horumarineed ee dawladda Jarmalku ka waddo gudaha Jamhuuriyadda  Somaliland ee ay kamidka yihiin waddooyinka iyo Biyuhu.

Arrimaha doorashooyinka, Dimuqraaddiyadda, xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Jarmalka, waxbarashada iyo  kalluumaysiga, ayaa iyaguna kamid ahaa waxyaabihii  laga  wada hadlay, waxana uu kulankaasi kusoo dhammaaday is fahan buuxa iyo guul.

 

SHARE
Article horeGuri Barwaaqooy; Falaadhi Gil Gilasho Kaagama Go’do
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here