Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay Guddida Xuquuqal-iinsaanka Qaranka iyo Hanti-dhowre ku-xigeenka

0
1

Hargeya (Hubaal) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-156/072018, ku magacaabay Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Markaan Arkay:                  Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:                  Xeerka Komishanka Xuquuqul Aadamah, Xeer Lr. 39/2010;

Markaan Helay:                   Qoraalka Guddida Xulista Xubnaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha;

Markaan Tixgeliyey:          Ahmiyadda Komishanka Xuquuqul Aadamuhu u leedahay Dhismaha, Sumcaddda iyo Horumarka Qaranka;

Markaan Sameeyey:           La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan u magacaabo xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin in ay noqdaan Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka:

Tir.           Magaca                                  Xilka

  1.           Maxamed Baaruud Cali                 Xubin
  2.           Rooda Axmed Yaasiin                    Xubin
  3.           Muuse Cismaan Warsame              Xubin
  4.           Saleebaan Warsame Guuleed         Xubin
  5.           Waris Abshir Xaaji Diiriye              Xubin
  6.           Cumar Maxamuud Xuseen             Xubin
  7.          Cabdirashiid Siciid Cindi                Xubin

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland, waxa magacaabay In Mudane, Sacad Cabdi Cabdilaahi Riiraash, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here