Madaxweynaha Somaliland Oo Taliye Iyo Ku-xigeen Cusub U Magacaabay Ciidammada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland

0
1

Madaxweyne Biixi Oo Buuxiyey Labadii Boos Ee Ka Bannaanaa Ciidanka Booliska

Akhri: Magacyada Iyo Meelaha Laga Soo Qaaday Laba Jannan Oo Kala Qaban doona Xilalka Taliyaha Iyo Ku-xigeenka ciidanka booliska

Hargeysa (Hubaal) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Magacaabay Taliyaha iyo taliye  ku-xigeenka Cusub ee Ciidammada Booliska Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa wareegto madaxweyne oo uu soo saaray xalay fiidkii ugu magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska, Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale) oo ka mid ahaa saraakiisha Ciidammada Millateriga Somaliland. Taliye Daba-gale ayaa buuxinaya Jagadii uu banneeyay Allaah ha u naxariistee Taliyihii hore ee Ciidammada Booliska Somaliland, Cabdillaahi Fadal Iimaan oo Toddobaadkan ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Waxa sidoo kale madaxweynuhu taliye-ku-xigeenka koowaad ee ciidanka booliska u magacaabay Sareeye Guuto, Cabdi Xasan Mire Faarax. Waxana xilkii laga qaaday Sarreeye Guuto, Faarax Maxamed Mire oo ahaa Taliye Ku-xigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Somaliland. Sidaasna waxa lagu sheegay wareegto uu ku saxeexan yahay madaxweynaha Somaliland oo nuqul kamid ahi soo gaadhay Wargeyska HUBAAL, Waxaanay u dhignayd sidan;

“Wareegto Madaxweyne

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/XM/WM/222-375/112019 uu magacaabis iyo xilka qaadis ku sameeyey masuuliyiinta ugu saraysay ciidanka booliska Somaliland.

Waxaanay u dhignayd wareegtada madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland u leeyahay dhismaha iyo amniga Qaranka;

Markaan Arkay:  Aqoontooda, Kartidooda, iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

Sareeye Guuto, Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland

Sareeye Guuto, Cabdi Xasan Mire Faarax, Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Ku: Sarreeye Guuto, Faarax Maxamed  Mire, Taliye Ku-xigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Somaliland.

Mudane, Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii loo garto. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka ee Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaan kaaga mahadcelinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

Allaa Mahad Leh

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland”

SHARE
Article horeDawlad-deegaanka Soomaalidu Ma noqon doonaa Xuddunta Soomaalida Geeska!!? W/Q: Yuusuf Cismaan Garas
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here