“Madaxweynaha waxanu ka codsanaynaa in Gacan ku dhiigleyaasha Loola Dhaqmo Waddo Ka Gedisan Waddadii Si Loo Helo Xal Waara”

0
143

 

Niman loo Qabtay Dilka Nin Ganacsade ahaa & Madaxda Laamaha Amniga Oo Codsaday In Ciddii Cid Disha La Abaal-mariyo

Laascaanood (Hubaal) –   Laascaanood (Hubaal)- Maamulka  Gobolka Sool sheegay in ciidammada booliska  oo kaashanayey  ciidanka qaranka   ay gacanta ku soo dhigeen  2 nin oo ku eedaysan  in ay ka danbeeyeen dilka nin ganacsade ahaa oo toddobaadkan  lagu dilay magaalada Laascaanood oo la odhan jiray  marxuum C/naasir Cumar Shaacuur. Badhasaabka gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir, ayaa sheegay hawl gal ballaadhan oo socday 4 maalmood  oo ay ammaanka  gobolkaasi ku raadinayeen eedaysaneyaashaasi   in  aakhirkii lagu guulaystay soo qabashadooda. Cabdi Khayre Dirir,  oo ka warbixinayay hawlgalkaas, waxa uu   yidhi;  “Hawlgalkii afarta  maalmood socday ee ay hormoodka u ahaayeen ciidanka booliska oo kaashanayey ciidammada qaranka, in uu soo gebagaboobay galabta (shalay). Waxaan u  mahad celinayaa saraakiisha iyo ciidammada hoggaaminayey hawlgalkan  lagu raadinayay nimankii dilka  gaystay 15-kii bishan ku dilay Laascaanood, ganacsade C/naasir Cumar Shaacuur.” Badhasaabku wuxuu    bahda caddaaladda jamhuuriyadda Somaliland ka codsaday in si dhakhso ah eedaysaneyaashan sharciga loo hor geeyo. Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sool Cabdirisaaq Maxamed Faarax oo ka warbixiyey baadi-goobkii ugu ballaadhnaa ee ciidammadu sameeyaan ayaa sheegay in lagu guulaystey soo qabashada Raggaa ku eedaysan dilka Marxuumka Ganacsadaha ahaa. “Shantii iyo Badhkii ayaanu ku guulaysaney in aan qabano Nimankan denbiilayaasha ah oo Booliisku daba-taagnaa.” ayuu yidhi Taliyaha qaybta Booliiska ee Gobolka Sool, waxaanu intaa ku daray “Raggaasi markii Gacanta lagu soo dhigay waxa la geeyay Xabsiga dhexe ee Magaalada Laascaanood.” Taliyaha Ciidammada Booliisku wuxuu farriin u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaanu ka codsanaynaa in Gacan ku dhiigleyaasha loola dhaqmo Waddo ka gedisan Waddadii hore, si loo helo Xal waara oo Nabad ah, waxaanu codsanaynaa in la mariyo (Xukunka) Shareecada Islaamka oo la laayo Ciddii disha Cid kale.”

 

Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdi Khayre Dirrir   ayaa isaguna farriin la mid ah ta Taliyaha qaybta Booliiska gobolkaa u diray Madaxweynaha Somaliland “Madaxweyne, waxaanu kaa codsanaynaa inaad waajibaadkaaga ka gudato Dadka Dil sugayaasha ah ee Xabsiyada ka buuxa, oo aad mariso Cid kasta oo Dil suge ah in laga jaro wixii uu u geystay Walaalkii.”ayuu yidhi. Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan lagu soo qabtay Ragga dilka geystey ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Guud ahaan gobolka, waxaase la eegayaa in xukun dil ah lagu fuliyo denbiilayaashan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here