Madaxweynaha Xilka Ka Degaya ee Somaliland Oo Dallacsiiyey Derajadii Jananka Ciidammada Bilayska

0
145

Taliye Cabdillaahi Fadal Iimaan Waxay Derajadiisii Hore Ahayd SARREEYE GUUTO, Haatanna Waxaanna Loo Dallacsiiyey SARREEYE GAAS

Hargeysa (Hubaal) -Madaxweynaha xilka ka degaya ee  Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  ayaa taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan u dallacsiiyay darajada Sarreeye Gaas. Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan oo  hore u haystay darajada Sarreeye Guuto ayaa madaxweynuhu u dallacsiiyey derejada Sarreeye Gaas, isaga oo Madaxweynuhu sheegay in  muddadii uu Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan xilka taliyenimo ee  ciidammada booliska hayay  ku sifoobay  waxqabad, hawl-karnimo iyo horumar uu taliskaasi ku tallaabsaday.  Madaxweynaha somaliland ee dhawaan talada dalka wareejin doona Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa horumarka dhinaca ciidanka ee lagu xasuusan doono waxa ugu horeeye darajooyinka uu ku taxay ciidamada kala duwan ee qaranka, darajadaas oo kor u qaaday haybada uu leeyahay ciidanka Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here