Madaxweynaha Xisbiga UCID Oo Farta Ku Fiiqay Aragtidiisa Ku Wajahan Khudbaddii Distooriga Ahayd Ee Shalay Uu Md. Siilaanyo La Hor Tegey Shacbi Weynaha Somaliland

0
15

Madaxweynaha Xisbiga UCID Oo Farta Ku Fiiqay Aragtidiisa Ku Wajahan Khudbaddii Distooriga Ahayd Ee Shalay Uu Md. Siilaanyo La Hor Tegey Shacbi Weynaha Somaliland

Bristol  (Hubaal) Xaflad nooceeda aan hore loo arag oo uu UCID ku qabsaday  Future Inn ee magaalada Bristol ee UK caawa ayaa si weyn uga dhacday halkaasi. Xafladan oo masuuliyiinta UCID ee UK ay qaban qaabiyeen ayey ku sheegeen mid ay ugu talo galeen in lagu soo dhaweeyo xubno rag iyo dumarf ah oo dhalinyarada UK oo u soo digarogtay. Sidoo kale waxa xafladan loogu talo galay musharax madaxweynaha UCID, Jamaal Cali Xuseen oo halkaas ka jeediyey khubad u dhignayd in ay duqaynaysay tii uu shalay madaxweyne Siilaanyo ka hor akhriyey labada Gole Qaran ee JSL.  “xukumada madaxweynahu khudbad sanadeedkii muoddhaafiyey ee afar bilood ku qaadatJamaaal iay, ma doorasho ayey xiligeedii ku qaban” Sidaa waxa khudabadiisa ku sheegay Jamaal Cali Xuseen oo naqdiyey xukumada Kulmiye.

“Maahmahdii ay u soo qoreen ayey xataa ka khaldeen wax kale iska daaye” sidoo kale waxa sidaa yidhi Jamaal Cali Xuseen oo ku tilmaamay khubadii madaxweynaha ee shalay mid khalad ahayd oo waliba soo mudo dhaaf ah.

Khudbada uu halkaa ka jeediyey Jamaal Cali Xuseen oo gabi ahaanba uu kaga warmay ayaa dhaliilaha xukumada iyo sida ay wax uga badalayaan ayaa waxa uu sidoo kale yidhi “Dadku waxa ay had iyo jeer na weydiiyaan maxay idiinku soo biiri waayeen xubno hore wasiiro u ahaa, anagu ma aamin sanin in nin tuug ahaa oo umada Somaliland og tahay uu nagu soo biiiro….halkii afkar calool weyn oo tuuga oo la og yaha ynagu soo biuri lahaayeen, waxaan ka jecelanahay in 10 dhalinyaro ah nagu oo nadiif ahi nagu soo biiraan..”

Jamaaal iKhudbada uu halkaa ka jeediyey Jamaal Cali Xuseen oo gabi ahaanba uu kaga warmay ayaa dhaliilaha xukumada iyo sida ay wax uga badalayaan ayaa waxa uu sidoo kale yidhi “Dadku waxa ay had iyo jeer na weydiiyaan maxay idiinku soo biiri waayeen xubno hore wasiiro u ahaa, anagu ma aamin sanin in nin tuug ahaa oo umada Somaliland og tahay uu nagu soo biiiro….halkii afkar calool weyn oo tuuga oo la og yaha ynagu soo biuri lahaayeen, waxaan ka jecelanahay in 10 dhalinyaro ah nagu oo nadiif ahi nagu soo biiraan..”

Xafladan oo kulmisay taageerayaal cusub iyo kuwo hore, iyo sidoo kale xubno ka kala yimid magaalooyink UK qaarkood ayaa waxa ay u badnayd mid u dhacday qaab mucaaridad adag ah oo xubno xilal ka haya xusbigu isku dama mareen dhaliilaha xukumada Kulmiye.

Dhaliilahaas xaflada laga sheegay ayaa badi ku aroorayey qodobo la xidhiidha musuq maasuq, eex, hanti qaran oo la  boobo iyo iyo ku tumasho sharciga dalka , iyo sidoo kale  kordhin cashuur xadhaaf aho oo ay sheegeen in dadka danyarta ahi qaadi karin.

Wax sidoo kale xaflada ka heesay fanaaniin uu ka mid yaha yC/rakiim Raas oo ka qaaday heeso ruxay xubnaha UCID ee xaflada iskugu yimid.

Marka la isku soo xooriyo xaflada Bristol ee UCID ee caawa dhacaday ayaa aan ahayn mid noo cii hore looga bartay xusbigam waxana ka muuqatay dardar weyn oo muujinaysa xawaaraha xusbiga. Iyagoo magaalada ay ku qabteen ee Bristol hore loogu ogaa taageerayaasha Kulmiye in ay ku badan yihiin, balse caawa ay muuqatay sawir taa ka duwan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here