Madaxweynayaasha Dalalka Soomaaliya Iyo Kenya Oo Heshiis Ku Wada Gaadhay Nairobi

0
1

Nairobi (Hubaal)- Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, ayaa heshiis ku gaadhay magaalada Nairobi oo maanta ay wada-hadallo ku yeesheen.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in labada dal ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo xidhiidhka labada dal iyo wada-shaqeynta.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu yidhi sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa saaka wada hadallo midha dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya.

Ajandaha wada hadalladan oo ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xidhiidhka iyo iskaashiga labada dowladood, kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn buuxda oo la xidhiidhta dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo baayac mushtarka.

Wada hadalladan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii dalalka gobolku ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gobolkana loogu soo dabbaali lahaa nabadgelyo iyo xasillooni.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed kaalinta uu ka qaatay wada hadalladan dib loogu yagleelayo xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

DHAMMAAD

SHARE
Article horeItoobiya Oo Farmaajo U Xaqiijisay In La Sii Wadayo Mashaariicda Horumarinta Dekedda Berbera
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here