Madaxweyne Biixi Fagaaraha Kala Hadlay Kumanaan Dadweynaha reer Burco

0
1

Madaxweyne Biixi Iyo Weftigiisii Oo si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Burco

Burco (Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa si baaxad leh loogu soo dhaweeyey gudaha magaalo-madaxda gobolka Togdheer ee Burco iyo magaalooyinka dhinaca galbeed kaga teedsan.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo maalmahanba safar shaqo ku jirey, ayaa saaka hiirtii hore ka kallahay magaalada Berbera, waxaana soo dhaweyn aan kala hadh lahayn kala kulmay shacabka ku dhaqan tuulooyinka iyo magaalooyinka u dhexeeya Berbera iyo Burco, kuwaas oo caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland ku soo dhaweynayey madaxweynaha iyo weftigiisa.

Shacab-weynaha ku dhaqan magaalada Burco oo ay hormood u yihiin maamulka heer gobol iyo heer degmo, xildhibaanno, madaxda dhaqanka qaybaheeda kala duwan, haween-weyne tiro badan, dhallinyarada gobolka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo haldoorka gobolka Togdheer, ayaa soo dhaweyn baaxad leh  ku qaabilay madaxweynaha iyo weftigiisa, kuwaas oo safaf dhaadheer kaga jirey duleedka galbeed Burco iyo waddooyinka  halbowlaha ah ee magaalada dhex mara, isla markaana astaanta calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan lulaya.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka reer Burco ee soo dhaweeyey socod lug ah ku dhex maray, waxana  uu kula hadlay  fagaaraha xarunta gobolka, isaga oo uga madadceliyey soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen, kuna bogaadiyey inay midnimadooda iyo wada-jirkooda ilaashaadaan.

Sawirro Ku Suntan Sidii Madaxweyne Biixi Iyo Weftigiisii Loogu Soo Dhaweeyey Burco

SHARE
Article horeDAAWO SAWIRRO Ku Suntan Sidii Madaxweyne Biixi Iyo Weftigiisii Loogu Soo Dhaweeyey Burco
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here