Madaxweyne Biixi Guriga uu ka degan yahay Magaalada Dubia Ku Booqday Madaxweynihii Hore ee Somaliland Siilaanyo

0
23

Madaxweyne Biixi Guriga uu ka degan yahay Magaalada Dubia Ku Booqday Madaxweynihii Hore ee Somaliland Siilaanyo

Dubia (Hubaal) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safar shaqo ku jooga Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta oo jimce ah guriga uu ka degan yahay magaalada Dubia madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo marwadiisa Aamina-waris Sheekh Maxamed Jirde ku booqdey iyagoo qaatay kulan kooban oo ay kaga wada hadleen madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynihii hore xaalada guud ee Somaliland iyo halka ay marayaan mashaariicda dhaxal galka ah ee ay wadaagayaan dalalka Somaliland iyo Imaaraaadka Carabtu.

 

waxaa kale oo kulankan lagaga wada hadley safarka madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Bixi Cabdi ku jooga imaraadaadka carabta iyo waxyaabihii ka hirgaley qorshihii safarka weftiga, waxa iyana lagu soo qaaday xidhiidhka labada dal iyo mashaariicdaha horumarineed ee ka socda Somaliland.

 

 

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here