Madaxweyne Biixi Oo Bogaadiyey Barayaasha & Waalidka Arday reer Somaliland Ah Oo Kalaamka Illaahay Qeybtay

0
1

“Weyneynta Aad Qur’aanka   Iyo Ehelkiisa Weynaysay, Inuu Miisaanka Xasanaadka Kuu Saaro Illaahay Baanu Kuugu Ducaynaynaa”

Hargeysa (Hubaal)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay qasriga madaxtooyada marti-qaad gaar ah ugu sameeyey arday xafidday Qur’aanka kariimka ah oo ka qalin-jabisay mac-hadadka AFLAX. Kulankan marti-qaadka ah, ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay wasiirka ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo awqaafta, Mudane Aadan Cabdillaahi Cabdalle, maamulka, macallimiinta iyo ardayda mac-hadka Aflax ka baratay qur’aanka  kariimka ah, waxaana halkaa laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo Ardayda xifdiday qur’aanka kariimka ah, lsla markaana ammaanayo waalidka iyo barayaashii ubadka yar yar kusoo tabcay.

 

Ugu horrayn wasiirka wasaaradda Ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Mudane Aadan Cabdilaahi Cabdalle oo madasha ka hadlay, ayaa wax lagu farxo oo lagu faano ku tilmaamay ardayda da’da yar ee xafidday Qur’aanka kariimka ah, waxaana ay hoosta ka xarriiqeen in mustaqbalka ubadku ku xidhan yahay hadba sida loogu ababiyo qawlka Eebbe iyo diinta suubban ee Islaamka.

 

Maamulaha guud ee mac-hacadka Aflax, Sheekh Maxamed Macallin Ibraahim, ayaa isaguna madaxweynaha uga mahadnaqay sida uu u sharfay ardayda da’da yar Qur’aanka kariimka ah xafidday, isaga oo eebbena uga rajeeyey guul mastaqbalka ah, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Mudane Madaxweyne aad baanu kaaga mahadnaqaynaa soo dhaweyntaa, sharfiddaas, iyo weyneyntaas aad Qur’aanka kariimka ah iyo ehelkiisa aad weynaysay, waana kuu ducaynaynaa waxaananu Ilaahay kuu weydiinaynaa inuu miisaanka xasanaadka kuu saaro, Aakhiro iyo adduunkana wax ku dhiba aanu ku tusin, waxa aad nagu sharaftayna waa Kitaabka Qur’aanka kariimka ah ee Ilaahay inagu sharfay.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here